Dagaal yahanada Muslimiinta Ciraaq oo Hurdada u Diiday Ciidamada Maraykanka ee Ku sugan Dalkooda

Gantaal noociisu ahaa Katayuush ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq, waana duqeyntii 2-aad eel ala beegsado wax ka yar 24-saacadood.

Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka ee ku sugan dalalka Iraq iyo Syria waxay xaqiijiyeen in saqdii dhexe ee xalay uu Gantaal kusoo dhacay Saldhig Tababar oo ku yaalla magaalladda Mosul ee dalka Iraq, balse ma aysan sheegin haddii wax Ciiddan ah lagu dilay weerarkaasi.

Afhayeen u hadlay Hawlgalka Maraykanka ee dalka Iraq waxa uu tilmaamay in duqeymo kale oo aan toos ahayn bishan 17-dii ku habsadeen meel ku dhow Saldhig kale oo ay Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Taaji ee dalka Iraq.

Duqeymahan ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Iraq sheegeen hal maalin ka hor inay 3 Hoobiye ku haysadeen Saldhiga Milliteriga ee Taaji oo ku taalla Waqooyiga Baqdaad.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu Dowladda Iiraan ku tilmaamay Argagixiso, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhexeysa labada dal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker