Milateriga iyo Mucaraadka Daka Suudaan Oo Heshiis Awood-wadaag ah Kala saxeexday

Gollaha milateriga iyo mucaraadka wadanka Suudaan ayaa maanta oo arbaco ah qalinka ku duugay heshiis awood qaybsi ah oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kadib toddobaadyo wadahadalo ah.

 

Heshiiskii hordhaca ahaa ee la gaaray 5tii bishan julay ayaa dhigayay in la sameeyo golle ka kooban 11 Xubnood oo ka kala imaanaya milateriga iyo mucaraadka, kuwasoo 3 sanno xukumi doona dalka Suudaan, kadibna la qaban doono doorasho xor ah oo xalaal ah.

 

6 ka mid ah gollaha cusub ayaa waxa ay ka imaanayaan mucaraadka iyo bulshada rayidka ah, halka 5 xubnood ee kale ay ka imaanay gollaha Milateriga ee Suudaan. Hoggaamiyaha cusub ee gollaha ayaa ka imaanaya Milateriga, kaasi oo muddo 21 bilood xukumi doono Suudaan. 18 bilood ee ku xigta waxaa talada dalka la wareegi doono hoggaamiye rayid ah oo qaban doono doorasho.

 

Tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheer xukumayay Suudaan Cumar Xasan Albashiir, waxaa dalkaasi ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo milateriga, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo ahaa banaanbaxayaashii.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker