Jadwalkii Geeridii ku Timid Dr. Cali Khalif Galydh

Jadwalkii Geeridii ku Timid Dr. Cali Khalif Galydh
1. Badhtamihii September, 2020 – Togwajale ayay Salaadiin rer-Jigjiga ahi Dr. Cali ka soo qaadeen waxana la dajiyey Jigjijga Internation Hotel
2. September 24, 2020 – Qado sharf ONLF u samaysay & Sawiro uu la galay Gudoomiyaha iyo Wasiirada Itoobiya Filsan.
3. September 29, 2020, October 2 Faysal Cabdi Roolbe oo Telephone ku la hadlay – waxana isku xidhay cadre ka mid ah ONLF – waxa uu ka dayrinayey madaxda Soomaaliland. Isla maalin ka hore waxa Hargaisa gaadhay wafdi uu hogaaminayo Dr. Xussen Xaashi.
4. October 2, Wareysi adag uu siiyey NABAD TV (waa TV ka madax banaan DDS).
October 3, Sabti, Faysal Cabdi Rooble oo telephone ku la hadlay Dr. Cali Khalif Galaydh isagoo aad u caafimaad qaba – Wax xanuun ah ma sheegin. Waxaan ku booriyey in uu MW Musafa arko.
5. October 4-7, xanuun la yidhii cunto sumow ayaa la inoo sheegay.
October 5, Waxa Hotleka Cali ku sillicsanaa yimid Dr. Xuseen Xaashi iyo Xasan Dhaadi oo ah chief of staff. Waxa loo sheegay in Dr. Cali taakulayn rabo. Labaduba wey ka gaabsadeen weliba si aan naxariisi ku jirin u hadleen – waa sida warka aan kaga heley dad gacanta ku hayey marxuumka.
6. October 6, nin maraykanka ka yimid oo M/W Mustafa xidhiidh leeyihinn ayaa laga codsaday in uu Madaxweynaha u sheego in Dr. Cali il daranyahay, xanuunka uga sii darayo. Xataa dadkii ka keenay Wajaale wey ka gaabsadeen soo eegistiisa.
October 7, M/W mar ala markii loo sheegay amar bixiyey in daarada Qaryaan Dhoonaan meel looga diyaariyo Marxuunka
Ocober 7, isla markii amarkaasi baxay, Xasan Dhaadi ayaa u xaqiijiyey una sheegay muwaadinkii MW Mustafa xidhiidhka la haayeen in Dr. Cali Khalif lagayn doono Qol ku yaal daarada Qaryaan Dhoodaan.
October 8, Waxa geeriyooday Dr. Cali Khaliif Galydh.October 8 isagoon weli qolkii hoteelka uu lahaa mudo afar beri ah iga saara ka bixin. Isla fiidnimadii ayuu Ambulansi geeyey Qaryaan Dhoodaan maydkii Dr. Cali,
Ocotber 8, fiidkii, nin la yidhii waa Dhaktar ka tirsan maamulka DDS ayaa ku andacooday in Covid-19 sababay dhimashada Dr. Cali.
October 9, 2020, Dhakhtarkii Cali daweynayey ayaa beeneeyey in Cali u dhintay Covid-19.
Silic, sun, iyo daryeel la’aan ayuu Dr. Cali u dhintay. In kabadan 40 sano iyo Dr. Cali maareeyn jiray sonkorta nin inta badan bukoon jirayna ma ahayn. Alahu Yarxam.
Waxa qoray Faysal Rooble

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker