Markii ugu horreysay oo qalab aadame sameeyey uu taabtay gibilka qorraxda

Markii ugu horreysay taariikhda ayaa qalab aadame samee ahi u taabtay gibilka qorraxda.

Dayaxgacmeedka Parker Solar oo ay leedahay NASA, wakaaladda hawada sare ee Maraykanka, ayaa ka gudbay gibilka qorraxda ee loo yaqaanno Taaj Belel (Corona) oo aanay hadda ka hor cidi sahamin.

Saynisyahannada ayaa warkan shaaciyey salaasadii 14kii December 2021, iyaga oo intaas ku daray in farriimaha uu dayaxgacmeedku soo diray ay bilo yar ku qaadatay soo gaadhista xarumaha laga maamulayo, sida oo kalana dhowr bilood oo kale ay qaadatay in la xaqiijiyaa.

Sannadkii 2018 ayaa la ganay dayaxgacmeedka Parker oo ku socda xawaare ilbidhiqisigii 100 kiiloomitir ah, illaa sannadka 2025 ayaanu sii wadi doona hawlgalkiisan oo lagu wado in uu aad u sii dhex dhumbado gibilka qorraxda ee Corona. Sida la ogyahay qorraxdu malaha oogo adke ah.

NASA – National Aeronautics and Space Administration
Turj. Kamaal Marjaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker