Badhasaabka G Sanaag SL oo u dhaqmaya sidii kuwii kacaanka iyo Caaqil Dabaare oo qool ugu jira
Badhasaabadii Dawladii Kacaanka Soomaaliyeed, ayaa waxaa caado ahayd in Badhasaabada Goboladu ninka ama Caaqilka ay ka baqaan inuu wax ka sheego ay xidhi jireen marka ay maqlaan in Siyaad Barre ama wefti heer sare ahi uu booqasho ku imanayo Gobolka uu markaa Gudoomiyaha ka yahay.
Qofka ayaa si sharci darro ah oo tuugo ah u xidhnaan jiray ilaa inta weftigaasi Gobolka dhaafayo ama qofka lagu khasbayo inuu balan qaado inuu wax wanaagsan ka sheegayo Badhasaabka.
Arintan oo kale ayaa waxay ka socotaa Gobolka Sanaag, iyadoo Badhasaabka Gobolkaasi Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, uu si sharci darro ah ugu xidhan yihiin mid ka mid ah Cuqaasha Beesha Dhulbahante ugu faca weyn oo lagu magacaabo Caaqil Cabdirashiid Maxamed Faarax (Caaqil Dabaare).
Odayaal farabadan oo ka soo jeeda koonfurta Sanaag oo maanta Gudoomiye Tiimbaro xafiiskiisa Magaalada Ceerigaabo ugu tegay ayuu u sheegay in Caaqilku uu u xidhnaan doono ilaa inta uu BBC afka Soomaaliga iyo saxaafada madaniga ah ka sheegayo inaan nin wanaagsan oo caadila ahay, islamarkaana ay been ahayd hadal uu maalin hore Caaqilku ku sheegay in ficilada Badhasaab Tiimbaro ay iska horkeenayaan shacabka Walaalaha ah ee Gobolka ku wada dega, iyadoo soo jeedintaas uu Caaqilku ku gacansaydhay, sidaasna uu jeelka ugu sii jiro <a href=”http://caaqil-dabaare-oo-sheegay-in-gudoomiyaha-gobolaka-sanaag-doonayo-inuu-iska-horkeeno-beelaha-walaalaha-ah-harti-waqooyi“>Halkan ka akhriso hadalkii Caaqil Dabaare</a>.
Falalka noocan oo kale ah ayaa waxay ka mid yihiin sababaha ay Jamhaddii SNM sheegi jiraty inay dagaalkii hubaysnaa ku kalifeen.
Dhanka kale Dawlada Federaalka iyo Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyey Somaliland ku eedaynayey inay isir ahaan Cadaadis iyo Cabudhin ugu hayso shacabka Dhulbahante, oo ay sheegeen inay taageersan yihiin midnimada Soomaaliyeed.
Xadhiga Caaqil Dabaare ayaa imanaya xili ay degaamada SSC si toos ah taageero hiil iyo hooba leh isula barbar taagayaan Maamulka Puntland, arintan oo kale iyo wax la mid ah ayaa loo tirinayaa inay fududeeyeen in shacabkaasi ay dib uga maagaan Somaliland.
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka aamusan xadhiga, cadaadiska iyo cagajugleynta Caaqilkaas lagu hayo.
Maxamed OW
mwfreepress@gmail.com