Maraykanka oo Iiran ku eedeeyey weerarkii Warshadaha Sucuudiga
Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga.
Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.
Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay.