DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE (CALANSIDA) OO U SOO HAMBALYEYSAY SHACABKA (SOMALILAND), IYO SHACABKA REER (DJIBOUTI), IYO

DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE (CALANSIDA) OO U SOO HAMBALYEYSAY SHACABKA (SOMALILAND), IYO SHACABKA REER (DJIBOUTI), IYO DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED OO IDIL, MEELKASTA OO AY KALA JOOGAANBA. MUNAASABADDA 26 KII (JUNE) IYO 27 KII (JUNE).

JUNE / 26 / 1960

HAMBALYO WALAALAHAYAGOOW

REER SOMALILAND 

 

HAMBALYO * HAMBALYO * HAMBALYO

Waxaan halkan uga soo wada hambalyeynayaa Shacabka (Somaliland) iyo dhammaan UmmaddaSoomaaliyeed oo idil munaasabaddan 26 ka (June), ee ay ku beegantahay markii ay ka xoroobeen gumeysigii foosha xumaa ee Ingiriiska (1960) kii. 

Saaxirkii kala Guurnaye 

Sarreeyow ma Nuqsaamow

Aan siduu yahay Eegee

Kaana Siib Kanna Saar.

———————————————————————————————————————————————————————-

JUNE / 27 / 1977

HAMBALYO WALAALAHAYAGOOW

REER JABBUUTI OO UU UGU HOREEYO MADAXWAYNAHAYAGA

MUDANE

ISMAACIIL CUMAR GEELLE

Hannoolaato Hana is raacdo “Djibouti”

Anigoo ku hadlaya magacayga Duuliye Sare (Calansida) Asli Xasan Cabaade iyo magaca dhammaan Ummadda Soomaaliyeed siiba Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku nool magaalada (Dallas, gobolka Texas) ee waddanka Maraykanka, ayaannu walaalahayaga reer Jabbuuti u soo gudbinaynaa hambalyo diirran, ee ku aaddan xornimadii Dalka Jabbuuti, oo ay heeryadii foosha xumayd ee gumeeysigii Faransiiska isaga xooreen sannadku markuu ahaa:(June/27/1977).

Waagaas ayaannu odhan jirnay:

*JABBUUTAAY KA SOO HOYO, HORORKA IYO WARAABAHA*

Iska-jir cadawga kula jecel ** inaad jabtoodan joogsan ** Hooy Jabbuutaay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker