Kacdoonkii Oromada ee Kaalin galay

Oromadu waa qowmiyada ugu balaadhan ee waqooyi bari Itoobiya degta, Qowmiyadan oo keliya waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 50 milyan oo kamida 100-ka milyan ee itoobiya degaanka ku ah, Sidoo kale waxa jira qaawmiyado Oroma ah oo ku kala nool Dalalka Kenya, Somalia iyo Somaliland.

Itoobiya waxaa la sheegaa in ay ku noolyihiin in kabadan 80 qawmiyadood , oromaduna ay ka noqonayso 34.40% halka Amxaaraduna ka tahay 27% inta soo hadhayna waa dhamaan qowmiyadaha kale oo qawmiyad waliba ka yartahay 7% celcelis ahaan.

Oromadu waxay isugu yeedhaan Qaran, waxaanay deegaankooda u yaqaanaan Oromia, bedka dhulka ay degaan waxaa lagu qiyaasaa 284,538 Sq Km.

Dhulka Oromadu deegaanka Kutahay waxaa lagu tilmaamaa Dhulka ugu qanisan uguna khayraadka badan ee itoobiya,waxaana dhaqaala yahanadu ku tilmaamaan in 60% waxsoosaarka wadanku ka yimaado Oromia.

Caasimada itoobiya waxay ku taalaa badhtamaha dhul weynaha Oromoda, Addis ababa oo ay qowmiyadaasi u taqaano “FinFinnee”.

Oromiya waxay bartilmaameed u ahayd gumaysi iyo cadaadis tan iyo qarnigii 19aad xiligaas oo boqor minilik uu cadaadis badan saaray isla markaana ay lumiyeen,xuquuqda dhaqaalaha, siyaasada & bini’aadanimo ee ay xaqa ulahaayeen.

 

Bilawgii Kacdoonka iyo waayihii ku Xeernaa.

Kacdoonka Oromia wuxuu soo maray heerar kala duwan tan iyo 1960-aadkii, markaas oo uu bilaabmay olole iskaa wax uqabasa ah oo loogu magac daray “Macha-tulama” (Self-help Association) taas oo isla sanadkaas la mamnuucay,xayiraadaas waxaa ka dhashay urur hubaysan oo la yidhaa OLF (Oromo Liberation Front) kaas oo iska caabin waday ilaa iyo maanta.

Dadka oromada ahi waxay ka dhaxleen kacdoonadaa ay mudada kula jireen rajiimka itoobiya Dil,Xadhig aan kala sooc lahayn iyo mastaafurin.

Hadaba kacdoonkan ugu danbeeyey ee soo bilaabmay sanadkii 2015 ilaa haatana soo gaadhay waxaynu qormooyinkeena soo socda ku qaadaa dhigi doonaa sababtii uu ku bilaabmay, sidii xukuumada ay gadhwadeenka ka yihiiin Tplf-tu uga jawaabtay iyo natiijadii ka dhalatay.

Lasoco qormada 2aad

Farhan Mohamed Abokor

Political & economic analyst

Email: sancaani40@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker