Dayaca Soomaalida iyo Damaca Qarsoon ee Ethiopia. W/Q Cabdixaafid Axmed Hurre

Geeska afrika waxaa maanta ka Socda dagaalkii dekedaha, ganacsiga iyo Istaraatiijiyada Iyadoo ay jiraan Siyaasado Isdiidan  iyo damaaci qarsoon oo ay wataan dowladaha qaarkood.
Taniyo Markii  la saxeexay  heshiiskii Saddex geessoodka ahaa ee dhexmara Xukuumadda Somaliland, Shirkada DPWorld  iyo Ethiopia oo Saami Maalgashi laga Siiyay dekeda Berbera  ayaa waxaa Si isdaba jooga u billaabmay tartanka dekedaha ee u dhaxeeya dalalka geeska afrika, Djbuuti,Suudaan, Kenya iyo Somalia ayaa Si lamid ah  Somaliland, Saami Maalgashi Ugu yaboohay dalka Ethiopia oo ah dal, Aan bad lahayn (Landlocked country). Hadaba waxaa shaki wayn abuuray booqashadii gaabnayd  Ray’sal Wasaaraha Ethiopia ku tegay Magaalladda Muqdisho iyo heshiiskii Sacadaha qaatay ee loogu Saxeexay afarta dekedood ee  ku yaalla  Somalia.
“Marka laga shidaal qaato hadalkii Ray’sal wasaaraha Ethiopia  ka jeediyay waddankiisa booqashadii ka dib Ee ahaa  Ethiopia iyo Somalia Waxay Noqon doonaan hal dal oo Midaysan” iyo Marka la Eego Saxeexa degdega ah  Xukuumadda Jilicsan ee Muqdisho oo Aan lahayn awood ay ku geli karto heshiis Noocan oo kala ah, iwm, iyo Marka la Eego Qodobada heshiiska oo ah kuwo daboollan oo aan Faahfaahsanayn.  ayaa Waxay Muujinaysaa Damaca  iyo Hamiga Fog ee Ethiopia ku doonayso In ay ku hanato guud ahaan geeska Afrika gaar ahaan Xeebta dheer ee Soomaalida oo ah meesha ay Ethiopia diirada ku hayso, guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo feejigan  wel welna ka qaba Damaca qarsoon ee  Adisababa, ku hamuumayso Xeebta dheer ee Soomaalida.
Isku Soo duuboo Kala erdhowga iyo kala fogaanshaha Siyaasadeed ee Soomaalida U dhaxeeya ayaa Ethiopia u Sahli doonta In Si Fudud  gacanta Ugu dhigto  awooda Siyaasadeed, dhaqaale, iyo militari ee geeska afrika Iyadoo hadaba ay Ethiopia tahay haymanada ugu wayn bariga afrika.
Dhawaan uun bay ahayd Markii Ray’sal wasaaraha Ethiopia sheegay In Ethiopia dhisanayso Ciidan badeed oo Xoog badan  taas oo lays waydiiyay meesha ay degayaan Maadaama oo ayna lahayn wax bad ah Ethiopia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker