Dawlada Maraykanka Oo Si Adag Ugu Hanjabtay Madaxda Ka Maqan Shirka Dhuusa-Mareeb 3
Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa caweyskii caawa qoraal kooban ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb 3, oo kala qaybsanaan ka dhex abuuray dhinacyada Soomaalida.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu Somaliya ka caawiyay, sidii ay dhinacyada isugu taggi lahaayen Shirka Dhuusamareeb 3, balse ay shirka caqabad ku yihiin kuwa ka maqan.
“Mareykanka wuxuu Somaliya kala shaqeeyay in dhammaan isugu taggaan miiska wadahadalada ee Dhuusamareeb 3, balse ma caawineyso maqnaanshaha kuwa maqan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka waxaa lagu iftiimiyay in la hawlgalaasha (Puntland iyo Jubbaland) ay iska diideen inay ka qaybgalaan shirka, isla-markaana ay himilooyinkooda gaarka ahi u huraan dimuqraadiyadda dalkooda.
Sidoo kale Mareykanka ayaa Madaxda Dhuusamareeb ku sugan ugu baaqay inay horey u socdaan, iyagoo markaasi ka duulaya waqtigii lagu ballamay inay wada kulmaan.
“La hawlgalayaasha/qaswadayaasha ayaa diidaya ka qaybgalka inay dimuqraadiyadda u huraan himilooyinkooda. Dhinacyadu waxay u baahan yihiin inay horey u socdaan, iyagoo markaasi leh hannaan waqtigii lagu heshiiyay ah.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa tan iyo Sabtidii ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ka maqan Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni Jubbaland iyo Puntland ayaa toddobaadkan iska diiday inay ka qaybgalaan shirkaasi, ka dib markii ay walaac ka muujiyeen habdhaqanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona ku baaqay in la helo cid damaanad ka noqoto inay dhaqangeli doonaan waxyaabaha lagu heshiiyo.
Shirka Dhuusamareeb 3 ayuu ujeedkiisu yahay in dhinacyadu kaga wadahadlaan arrimaha doorashooyinka ee dalka, go’aan wadajir ahna ka soo saaraan nooca doorasho ee dalka laga qaban karo 2020/21.