Muuse waan Doortay, waxaanse u Doortay waan Tebayaa.

Marka aad ku nooshahay wadan aan haysan ictiraaf balse halgan ugu jira ictiraafkaas rubuc qarni. Marka abbaaruhu yihiin kuwo soo laalaabanaya oo sababaya in xoolo dhaqatadu caydhoobaan oo faqrigu ku baaho dalka oo idil. Marka aad ku nooshahay wadan cuntada uu cuno soo dhoofsada lahayna ilo waxsoosaar oo dhaqaalaha kaaba. Marka nafaqadarada, cudurada, iyo jahligu yihiin cadawga ugu way ee haysta bulshadaada. Haddana aad aragto in ay jirto dawlad xumo, musuqmaasuq, caddaalad daro, isla-xisaabtan la’aan iyo in lagu takri falo awooda dawladnimada loogana faaiidaysto dano shaqsi ah. Marka tiro yari ay tujaar noqoto, hesho awood, mansab iyo cudud ay wax ku muquuriso, guud ahaan shacabkana faqrigu ku sii baaho oo ay galaan tiih iyo muqdi.

Waxa damiirkaagu ku siinayaa innaad raadiso sidii looga bixi lahaa mugdigaas. Waxaadna ka fekeri waxa aad samayn karto si loo helo sidii qarankan loo samato bixin lahaa. Waxaa kuu muuqanaya baahida loo qabo isbedel si loo helo nolol wanaagsan loogu sameeyo shacabka la daala dhacaya dhibka ku gedaaman. Waa inuu soo baxo hoggaamiye sameeya isbedel, kan kobciya dhaqaalaha, horseeda qaran hanaqaada oo leh hufnaan iyo isla xisaabtan, dhaliya horumar, saxa khaladaadkii hore kana midho dhaliya himilooyinka qarankaas sida ictiraafka. Hoggaamiyaha wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisa guul gaadhsiiya.

Somaliland hoggaamiyaha noocan oo kale ah ayay u baahi qabtay in badan. Xiligii doorashada 2017ki, xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Waddani waxay la yimaadeen musharixiin ay u soo doorteen inay Somaliland hoggaamiyaan haddii shacabku siiyo kalsoonidooda. Nidaamka doorashooyinkuna ma ogalayn in musharixiin madax banaan tartamaan, waxana lagu khasbanaa in la kala doorto sadexda musharax ee xisbiyadaasi soo caleemo saareen.

Waxa cid kasta quuddaraynaysay in talada ay qabtaan nidaam cusub oo leh dhiig cusub oo isbedelada hammuunta loo qabo dhalin kara.. Xikmad ayaa tiraahda “waa isla kayntii, daanyeeradii ayaa isu kala bedelay” sida xikmadani tilmaamayso innaan isla sidii nidaamkii hore ama nidaamadii ka sii horeeyey aysan wax u socon oo isbedel hor u socod ahi yimaado ayaa shacabku rabay.

Xiligii lagu jiray tartanka doorashooyinka, musharax kasta waxa uu soo bandhigay Somalilandta uu rabo innuu sameeyo xisbigiisu haddii uu talada ku guulaysto. Sawirada ay bixinayaan ma ahayn kuwo waadax ah oo sida lagu gaadhayaa cad yihiin, la dhirindhiriyey jidka loo marayo, muuqatona sida lagu gaadhayo. “beri maanta ka wanaagsan”.
“rejjada shacabka” iyo “Ucid baa u cid a” ayaa halhays u ahayd xisbiyada tartamaya. Barnaamijyada xisbiyadu waaqaci iyo xaqiiqna kuma dhisnays, saamayna kuma lahayn fikirka dadka dooranaya, tan bedelkeeda waxaa saamaynta lahaa sida qabiilka iyo qabyaalada loogu tartamo si quluubta dadka loogu hanto.

Waxaa soo ifbaxday in doorashada ay jaangoynta ugu wayni ku yeelanayso sida qabiiladu isu bahaystaan isuna xeeladeeyaan. Shicibka doonayay inay helaan nolol tan maanta dhaanta, aqoontooda oo hoosaysa iyo faqriga dartii loogu guulaystay in loogu bedelo qabyaalad ka saraysa miday aaminsanaayeen. Tan waxay noqotay xeelada kursiga lagu kori karo, waxayna albaab cusub u furtay in kalsoonidii lagu qabay qaranida ay ka waynaato mida lagu qabo qabiilada. Waxay horseeday in magaalooyinku u kala qaybsamaan bari iyo galbeed, danwadaagtuna kala irdhoobaan, waxayna horseeday in dib loo noqdo halkii hore loo socon lahaa rubuc qarni Somaliland jirtay. Waa kud ka guur oo qanjo u guur.

Iyada oo waaqacaasi jiray ayaa bulsho badan oo reer Somaliland ahi qaateen inaysan doorashada musharaxooda aysan jaangoyn qabiilka ay yihiin balse ku doortaan barnaaijka ay hayaan. Tan waxay igu hoggaamisay shakhsiyan inaan taageero, ka mid noqdo, una ololeeyo xisbiga Kulmiye. Xukuumadii xiligaas jirtay marna kuma qanacsanayn sida ay wax u wado, waxaanse ku rajo waynaa in musharaxa xisbigu keenay waa Muuse Biixi Cabdi’e uu noqon doono haggaamiye dhaliya isbedelka loo baahan yahay oo uu dalka samata-bixin doono.

Innaad doorataa musharax way adkayd iyaddoo barnaamijka xisbiga ay ka saamayn badan tahay ololaha qabiilnimadu xakamaha u hayso. Iyada oo ay siddaas tahay waxa jiray tiro badan oo reer Somaliland ah oo mar kasta qaranka kalsooni ku qabta, qabiilnimaduna aanay macno ugu fadhiyin. Dad badan oo og in wadada la marayaa ay uskag badan leedahay si kursiga loo koro, balse marka kursiga la koro ay tahay in la nadiifiyo nidaamka. Sidaa darteedna waxaan ku qaatay innaan taageero, ka mid noqdo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ugun ololeeyo inuu samaynayo “beri maanta ka wanaagsan” waanan ku niyadsamaa.

Somaliland waxaa in badan ku soo noqnoqonaysay in xukuumadihii soo maray ay isku dayaan inay maamulaan ficilada, fikirada, hadalka iyo hab-nololeedka muwaadiniinta taas oo dastuurku u damaaanad qaaday halka ay kobcin lahaayeen xuriyada hadalka, hagaajin lahaayeen hab-nololeedka bulshada, ixtiraamina lahaayeen xuriyada shakhsiga, dalka iyo dadkana ku hoggaamin lahaayeen caddaalad iyo sinnaan. Tan waxay ahayd walaac wayn oo ay qabeen dad badan oo aan aan ka mid ahay. Waxay doonayeen in musharaxa ay xulanayaan noqodo mid intan ay ka heli karaan. Khudbadihii musharixiintu waxay ka sinaayeen inay damaanadaas qaadayaan, waana balanqaad dad badani niyad-wanaag u abbuurtay. Ana Xisbiga Kulmiye ayaa niyad-wanaagaas ka helay.

Muuse Biixi Cabdi waxa loo doortay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland. Waxa curtay waa cusub. Waxa bilaabantay in laga dhabeeyo isbedeladii lagu balan qaaday. Waxaanan diyaar u ahayn in barnaamijkaan ku ololeeyey rumoobo oo anfaco dalka iyo dadka.

Muuse Biixi waxa la kawsaday abaaraha oo caydheeyey xoolo dhaqatada, sicir bararka oo circa isku shareeyey, waxana intaas raacday kala qaybsanaantii ay keentay xajiintii doorashadu iyo siyaada geyiga oo isbedelo ku yimaadeen sida khilaafka Carabta iyo kacdoono ka socday Ethiopia. Somaliland waxay baahi wayn u qabtay hoggaamiye dhibaatooyinka u maaro hela wajahana waaqaca dhabta ah ee dalku galay. Xisbiga Kulmiye oo ololihiisa ay dhexroor u ahayd “beri maanta ka wanaagsan” iyo “haggaamiye go’aan leh” waxaa bulshadu ka sugaysay in balanqaadkiisu uu fulo maadaama lagu tuhmayey go’aan adkaan xiligan xaaladu adagtahay.

Masuuliyada qaran ayaa fuushay madaxwaynaha, Somaliland loo dhan yahay ayaa laga sugayaa.In maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh heshiisyadii ay wada galeen xukuumadii hore ee Kulmiye uu ka dhabeeyo ayaa horyaala. Maamulkii Khaatumona arintaas ayuu Hargaysa u fadhiyaa. Dhinac maamulka Khaatumo waxay fuliyeen wixii lagu heshiiyey iyadoo joojisay dagaalkii hubaysnaa ee ay kula jireen Somaliland, ciidamadeenina iminka waxay ka tirsan yihiin kuwa Somaliland, halka aysan Somaliland dhineceeda ka dhabayn inay furto dastuurka si Somaliland la wada leeyahay loona siman yahay taladeeda, khayraadkeeda iyo manfaceeda loo helo. Mudo ku siman 8 bilood iska daa in la fuliyo heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland’e, Cali Khaliif Galaydh waxaa uu marar badan fagaarayaasha kula gardhigtay reer Somaliland si guud.

Dhinaca kale, fursada soo martay Muuse Biixi ee ah in Khaatumo heshiiskeeda laga dhabeeyo ee la beer dareeyey waxay qayb ka qaadatay xiisada colaada ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, taas oo maamulka Puntland u isticmaaleen inay u adeegsadaan dagaalka si dadka deegaanada SSC ka soo jeeda loogu diro Somaliland loogana dhigo inaan waxba Somaliland looga ogolayn.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ku doodaan in xukuumada la siiyo wakhti si ay wax uga qabato dhibaatada jirta. Waxaan ogsoonahay in duruufo badan xukkuumada ku geddaaman yiiin oo ay xayiraad innaga saaran tahay dhoofinta xoolaha ee Sacuudi Arabia, inaynaan lasoo bixin dalag, in lacag adag dalka dibadiisa uga baxdo sida lacagta qaadka ee Ethopia tagta, xawaaladaha oo adeegada telefoonada lacagaha ku kaydsada (mobile banking) iyo lacagta dekeda Berbera laga qaado oo DPW Dubai ku shubto, inaynaan haysan maalgashi taasna ay qaadanayso wakhti in isbedel la taaban karo la arko. Waxaan ogsoonahay in sahaminta shiidaalka iyo balaadhinta dekeda ay dawladu heshiisyo kula jirto dawlado iyo shirkado shisheeye, heshiisyadaas oo qaarkood aan golayaasha sharci dejinta la soo marin shacabkuna xog buuran ka hayn waxna u dhimaysa hufnaanta dawladnima. Haddana iyadoo sidaasa waxaan u badinayaa in dawladu ku mashquulsan tahay wax horumar keeni kara oo dalku ka faaidi karo.

Waxaa soo baxday in intii xisbiga Kulmiye talada ku soo laabtay in ay dhacday in suxufiyiin, oday dhaqameedo iyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka loo xidho aragtiyahooda oo ay cabireen tan oon niyadsamidii aan ku qabay in xuriyda shakhsiga ee dastuurku damaanad qaaday dhaawac ku yimid.
Shakhsiyan waxaan ku kalsoonahay in madaxwaynaha ay ka go’an tahay inuu sameeyo isbedel toolmoon waxase shaki igaga jiraa halka Somaliland u socoto. Sida aan kor ku soo sheegay musharixiinta u tartamaysay doorashada si waadax ah uma cadayn aragtidooda siyaasadeen. Aragtidu waa muhiim, waxay ka muhiimsan tahay hoggaaminta. Aragtida ayaa abbuurta hoggaamiyaha. Aragtidu waa tan ku tusta mustaqbal ka wanaagsan midka lagu jiro. Martin Luther King intaad la shirqoolin ayuu lahaa “waxaan leeyahay riyo…” nus qarni ka dib riyadiisi waxay noqotay nolol dhab ah oo lagu noolaado. Waa halka xikmadan kale ka tiraahdo “haddii indhoolku indhool hago, labaduba god bay ku dhacaan” Aragti la’aan waxaad heli kartaa awood, kursi iyo raaciyad ku raacda oo kuu sacab tunta sax iyo khalad, laakiin meesha aad ku socotaan hadaysan caddayn meelaadan rabin ayay kula geli kartaa. God ayaad ku dhici kartaa. Shakhsiyan, waan aaminsanahay in madaxwaynuhu garanayo meeshuu ku socdo, balse hoggaamiyaha wanaagsani waa ka shacabkiisa iyo dadkiisaba tusa, u sheega, la wadaaga oo ugu celceliya xitaa aragtidaas xitaa haday hilmaamaan. Laga yaabee innaan qudhaydu hilmaansanahay’e.

Aragtidayda Somaliland si waxa dadkeedu rabaan loo gaadho, loona bud-dhigo aasaaska aragtiyuhu ku guulaystaan. Waxaan madaxwaynaha kula talin lahaa inuu awoodaha dawlada ka ilaaliyo innay isku dhexmilmaan waa xukuumada, sharci dejinta iyo sharci ilaalinta’e. In madawaynu dhiso oo adkeeyo hayadaha dawlada si loo helo isla xisaabtan iyo hufnaan. In dawladnimada ay sal u noqoto aqoon, iyo waayo-aragnimo oo laga ilaaliyo in qabiilku saamayn ku yeesho. Si loo helo caddaalad iyo sinnaan in lagu dhaqmo dastuurka, sharcigana si siman loogu hoos noolaado. Si midnimada iyo wadda lahaansaha Somaliland loo ilaaliyo in dasturka dib loo furo oo wixii kaabis, bedelid iyo sixidba loogu sameeyo. Ugu danbayn waxaan madaxwaynuha usoo jeedinayaa in uu gebi ahaanba dib u eegis ku sameeyo siyaada arimaha dibeda ee fadhiidhka ah si aan asxaab ugu yeelano caalamka aynaanse u samaysan wadamo hor leh oo cadaw inoo ah, iyo si loo helno qorshe cad oo qadiyadeena ictiraaf ku gaadhno.

Caddaalad, sinnaan iyo beri maanta ka wanaagsan ayaan rabnaa madaxwayne.

Waxaan u rajayn madaxwaynaha innuu ku guulaysto oo ka midho dhaliyo masuuliyada aan u dooranay.

Wa bilaahi tawfiiq

Cabdinaasir Axmed

www.facebook.com/sanaag

afgobaad@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker