SOO JEEDIN BAAQ NABADEED OO KU SAABSAN DAGAALKA DEGMADA ERER, ETHIOPIA

Salaamu calaykum hawl wadeenada iyo maamulka Oodweynenews
fadlan baaqan nabadeed iigu soo daabaca shabakada Oodweynenews
Aniga oo ka mid ah qurbajoogta ka soo jeeda degmada Erer ee degaanka Shiniile ee dagaalka soo noqnoqday ku dhexmarayo Beelaha Gurgure iyo Ciise, waxaan halkan uga dirayaa baaq nabadeed beelaha Gurgure iyo Ciise oo aan leeyahay joojiya dagaalka dhexdiina ah ee dhiigiiga labada beelood ku qubanaayo.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa wax garadka iyo odayaal dhaqameedka inay  arintaa si degdeg ah ugu baxaan oo ay usoo afjaraan dagaalka.

xaaladan dagaal ee labada beelood u dhaxaysaa way soo noqnoqotay sidaa daraadeed waxaa. farayaa cida ehelka u ah arintan iyo waxgaradba in xal laga gaaro wax yaabaha sababaya in dagaalkni soo noqnoqdo, oo ah sababaha dagaalku dabada ku hayo, lana xaliyaa oo aanay noqon arintu mirir dushii lama dhayo.

 

mahadsanidin

Abdi Adan

hassanklc@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker