COVID-19: Dhaqaalaha Somaliland Saamayn noocee ah ayuu ku yeelan karaa?

COVID-19 waa caabuq si xawli ah u faafay dunidana aad u saameeyay, oo laga helay bishii December 2019, gobolka hubei magaaladiisa Wuhan ee China. Dunida waxa uu ku keenay Saamayn dhaqaale oo aad u ballaadhan maadaama oo xayiraad la saaray isku socodkii. Tani waxay Saamayn weyn ku yeelan karta JSL, maadaama oo aanu ina soo gaadhin hadana Saamayn dhaqaale ayuu innagu keeni karaa hadii caabuqaasii uu sii socdo amase uu ina soo gaadho.

Dalka JSL badi amase dhamaan alaabta inoo timaadaa noocay doonto ha ahaatee, waxay inooga timaadaa dibadda (abroad), hadaba haan laaba u kala qaado Saamaynta dhaqaale ee innagu iman karta haduu caabuqaasi uu sii socdo waddamaduna ay madaaradooda kala xidhaan muddo 3 bilood ah:

Xayiraada/hakinta isku socodka dalalka:

Maadaama oo ay alaabtu dibadda inooga timaado noocay doonto ha ahaatee hadii wadamadii aynu alaabta kasoo dhoofsiisanaynay ay joojiso duulimaadyadeeda waxay innagu keeni kartaa arimahan soo socda:

  • Ganacsatadii sida joogtada alaabta usoo dajisan jirtay in hoos u dhac uu ku imaado (Goods Shortage) muddada xayiraada, maadaama cuntooyinku aynu cunnaa ay inooga imaadaan dibadda sida, (bariiska, baastada iyo daqiiqda) maadaama ay bulshadeenu ku xidhan tahay quuta daruurigooduna yahay cuntootyinka dibadda inooga imaada.
  • Dawladda oo cashuurtii ka soo gali jirtayna alaabaha madaarka amase dekedda kasoo dagi jirayna ay Meesha ka baxdo, tanina waxay innagu keeni kartaa hoos u dhac dhaqaale, maadaama ay dawladda uga soo xaroon jirtay alaabaha dibadaha inooga imaado dakhli.
  • Wadanka aynu jaarka nahay ee ethopia oo isna badi khudaarta inta badan inooga timaado, badi khudaarta waxay inooga timaadaa ethoipa haday tahay (tamaandhadabasasha, iyo muuska) innana aynu qaadka uu inaga soo galo, ayaa waxay keeni kartaa hoos u dhac dhaqaale, hadii labadeena dal isku socodku uu istaago in muddo ah, waxay innagu keeni kartaa in khudaartii sida xawliga ahayd maalin walba inooga iman jirtay aynu wayno. Inana hoos u dhac uu innagu imaado cashuurtii aynu ka heli jirnay qaadka inooga imaada ethopia.

Maadaama caabuqani uu sii faafayo xalka kaliya ee dawladuhuna ay noqotay in la hakiyo isku socodka, ayaa keeni karta qodobadaa kor ku xusan, taas oo ay Saamayn dhaqaale innoogu keeni karta. Waloow dawladeenu ay samaysay istiraatiijiyada ah (Proactive Strategy) oo ah habkii looga hortagi lahaa caabuqan sida xawliga u faafaya. Hadaba waxaan ka eegi doona qodobka labaad oo ah maciishadeena sida uu Saamaynta ugu yeelan karo caabuqan aadka u faafaya.

Tallaabada ugu haboon ee caabuqa lagaga hortagi karo (Aversion Behaviour):

Tallaabadan oo ah in la karantiilo dadka caabuqan uu hayo si aanu ugu gudbin dadka kale. Tallaabadan oo iyana Saamayn kale oo dhaqaale innagu keeni karta waxaana ka mid ah:

  • Dawladda oo amar kusoo rogta in la xidho business yada yara-yar iyo super marketyada (small business and super markets) in muddo ah, taaso oo bulshadeenu Saamayn weyn ku yeelan doonta maadaama oo ay si maalinle ula macaamiilaan.  Ugu danbayn, talooyinka aan soo jeedin lahaa ku waajahan caabuqan khatarta ah waxa weeyi:
  • In la xaddido muddada xayiraadda(contain the pandemic), markasto oo sii fidocaabuqani, waa markaste oo dawladdu tallabo kaga hortag ah ay qaado. Tallaabadani waxay yarayn kartaa Saamaynta xad dhaafka ah ee innagaga iman karta dhaqaalaha iyo sidoo kale caafimaadkaba.
  • In la cabiro dadka uu saameeyay caabuqani (measure the impact) taas oo sahli karta in data joogta ah laga diyaariyo dadka caabuqani uu hayo, si cidii caawin u baahin loo caawiyo.

Waxa qoray: Yahye Ahmed Abdi
Email: yahyasheikhaawi9@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker