Wariyihii BBC-da Laanta Afka Somaliga Cabdinuur Sh Maxamed Isxaaq oo ka mid Noqday Gudida Doorashooyinka ee Puntland
Madaxweynaha Puntland ayaa Magacaabay Guddiga Ku-meelgaadhka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaana ka dhex muuqda Wariye muddo dheer ka tirsanaan jiray Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne maanta ku magacaabay Guddiga ku-meelgaadh ka ah ee Doorshooyinka Dowlad Goboleedka Puntland.
Bayaan lagu caddeynayay wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yidhi:-
Sidan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda.
Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay
XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen.
Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland.
Wuxuu Xeeriyey.
Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran.
1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq
2. Sahra Jaamac Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Cabdullaahi faarax Mire
5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
6. Guulleed Saalax Bare
7. Jaamac Xirsi Faarax
8. Xafso Salaad Maxamed
9. Cadirisaaq Axmed Siciid
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.
Magaca koowaad ee xubnaha guddiga waa wariyihii BBC-da ee caanka ahaa, Soomaaliduna ay sida weyn u taqaannay.
Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa horaantii Sanadkan ka tagay shaqada BBC-da, ka dib markii uu lasoo shaqeynayay ku dhawaad 30 sano.
Guddiga cusub ayaa la filayaa inay dhawaan la kulmaan madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo markaas ka dibna ansixin ka sugaya golaha baarlamaanka ee maamul goboleedka Puntland.
Balse Maamulka Puntland ayaa hore isugu dayay inuu sameeyo Gudi qabta Doorashooyin hal qof iyo hal cod ah ( one Man one vote) Balse arinkoodu waxaa uu ku dambeeyay fashil. Talaabadaasna waxaa isku dayay Madaxwaynihii hore ee puntland Abdirahmaan Faroole
Puntland ayaa doorashadii madaxweynaha lagu qabtay horaantii bishii Janaayo ee sanadkan.