Magaalada Berbera oo 7.5 Milyan oo Doolarka maraykanka ah Qayb uga Heshay Mashruuc ay kala saxeexdeen Df Somalia iyo Midawga Yurub

Magaalada Berbera Intee Ayey Ka Helaysaa Lacagta Midawga Yurub Bixinayo Ee Dawlada Soomaaliya ay kala Saxeexdeen Midawga yurub.

Wasiirka qorshaynta soomaaliya Jamaal Maxamed xasan iyo sarkaal ka
socday midawga yurub oo lagu magacaabo Stefano Mansevini ayaa
magaalada Muqdisho si wada jir ah ugu saxeexay heshiiskan iyada oo uu
goob joog ka ahaa raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirka qorshaynta soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo faah faahin ka
bixiyey heshiiskan ay la gaadheen midawga yurub ayaa soo bandhigay xadiga
dhaqaalaha ah ee heshiiskani u qaybinayo Muqdisho iyo Berbera.Wasiir
Jamaal oo ka hadlaya sida Muqdisho iyo Berbera loogu qaybinayo dhaqaalaha
heshiiskan ayaa waxa uu yidhi “Mashruucani waa mid la doonayo in 15 milyan
oo doolar loogu samaynayo wadooyin gobolka Banaadir ee Muqdisho,

waana
mashruuc hore u socday.”
Wasiir Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay xadiga Berberi ay ka helayso lacagtan midawga yurub ku bixinayo “Magaalada Berberana waxa loogu tala galay 7.5 Milyan oo doolar taas oo wax lagaga qaban doono arimaha dawlada hoose u baahan tahay sida hagaajinta jidadka, bulaacadaha iyo meelaha kale ee muhiimka ah, lacagtaas oo midawga yurub ku deeqay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker