Faaiidada ku jirta jimicsiga sida (SOCODKA ) : by abdirashid osman

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan inta isdultaagta mabaa,diideeda kuna dhaqanta,waxaan kaloo salaamyaa dhamaan akhristayaasha sharaftale.
caafimaadku waa shay qaaliya  waana nicmooyinka waawayn ee ilaahay marwalba la waydiisto,caafimaad qof waaya uun baa ogaan kara qiimaha uu leeyahay.
ducooyinkii rasuulkeena moxamed (csw) uu ina faray inaynu had iyo jeer ku ducaysano ayaa ah(allaahuma inii asaluka alcafwa wal caafiya),,,dhinaca kale waxaad ka dheehankartaa xadiiska rasuulka (csw) ee mashhuurka ah..macnihiisuna yahay ( xubin kamida jadhkaagu hadii dhib ama xanuun noocuu doonaba iyo intuu doonaba ha ahaadee in jidhkaaga inta kalena lawadaagayso xanuunkaa lana sahrayso.)
waxaa laysku raacay in maahmaahda taaha ama maquulada taaha(prevention better than cure) iyo ta taaha (alcaqli saliim fii jismil saliim) oo labaduba isugu biyo shubanayaa in ka hortaga cuduradu ama dhibta soo gaadha jidhka ama gebi qofka in ka hortageedu wanaagsanyahay si aad u hesho xaqli saliima iyo maskax fayow siyaabaha aad uga hortagtaana xanuunada ay farabadantahay ,lakiinse maanta waxaan wax yar ka tilmaamayaa qayb ka mida ka hortag aad u qiima badan oo fudud si aad u hesho caqli saliima iyo jidh saliima.
waa maxay hadaba ?waa exercise ka ama phisical exercise( jimicsiga) waxaa aad wada garanaysaa qaybaha jimicsiga ee faraha badan uu ka koobanyahay kuwa fudud iyo kuwa adag,inigu lakiin maanta waxaan uun ka hadlayaa nooc aad u fudud oo  lawada qabankaro.
1-hadaan ku horeeyo wuxuu yahay jimicsigu :waa juhdi badaniya xarakaad ,dhaqdhaqaaq jidhka iyo xubnihiisa koobaysa kana wada shaqaysiinaysa ,juhdigaas oo kala duwan iyo xarakaadkaa aad samaynayso loona baahanyahay si saxa inaad ula timaado si aad faaiidadiisa u gaadho.
Hadaan hadaba ku soo dhawaado qaybta aan maanta soo qaatay oo dadka ama bulshdeenu yar iyo wayn u baahantahay waa:
SOCODKA:(Walkin ka,almashy):waxaa lagu tilmaamaa socodka loola jeedo jimicsiga ka ugu fudud activitiga oo dhan faaiido wayna laga helo waa marka si toosa oo aan la googoyn loo socdo ,waxaa xusid mudan in maalintii ay kugu filantahay 30 min per aday ama wiigii shan casho ama sadex casho wiigii.
2- sida saxa ah ee hadaba loo socdo waa sidee ,si fudud waa adigoo si toos ah oo aan foorar lahayn hortaadana eegaya dhabargaaguna tiisanyahay.
    Waxaad ilaalisaan inaydaan istaagin markiiba marka aa socodka dhamaysataan ee aa ku dartaan jimicsi yar oo ama gacmaha kaga shaqaysiisaan iyo   lugaha iyo inaad halka aad markaa istaagtay ku socoto ,ilaa inta aad qaboobayso,waxaa iska ilaalisaan intaa soconaysaan inaa biyo cabtaan ama wax kale. sida casiirada,dharka aad xidhnakartaa waxaa wacan horta ka loogu tala galay jimicsiga,lakiin maaha daruuri se waa inaanu noqon wax ku xayira oo kugu cidhiidhiya sida jiinska iyo kabaha dhaadheer ama cidhibtoodu dheertahay,caga cadaana waad ku socon kartaa haday meesha aad ku soconaysaa tahay meel aan dhibaato u keenaysa cagtaada hoose.,waxaad dareemaysaa marka aad soconayso kabuubyo lugaha ah,garaac,lugaha oo ku yara xanuuna iyo xaglahooda,muruqyada jidhka oo dhan ,dhabar xanuun istaasi lakiin waxay kaa yaraanaysaa markaad si is daba jooga u socoto.
3-maxaa laga faaiidaa socodka ama laga faaiidi karaa:
waxaa la ogaaday oo cilmiyan loo xaqiijiyey in uu  SOCODKA faaiido badani ku jirto oo aan la sahashan karin:
waxuu ka faaiidayahay oo uu gubaa sonkorta cuntadan badan ee aynu cuno ka dhalata,
-wuxuu dhimaa miisaanka ama cayilka sababa cudurada sida kaadi macaanka
-wuxuu ka dawayahay cuduradan Dhiikarka,cudurada wadnaha ama wadna xanuunka,cudurada ku dhaca uur kujirta,cudurada ku dhaca sanbabka,
-wuxuu adkeeyaa muruqyada oo dhan kuwa lugaha ,caloosha,gacmaha iyo xaglaha lugaha ,
-wuxuu ka dawayahay cudurka lafaha ku dhaca gaar ahaan dumarka ,
-wuxuu ka dawayahay depresionka ama streska oo waxaad ka helaysaa nefis iyo maskax saafiya
-wuxuu kaa caawinkaraa HURDADA oo si fiican kuugu timaada,
-waxaad ka helay saa caqli saliima nashaad firfircooni wakhti walba
-waxaa kaa ba,aya caajiska faraha badan ee ka dhasha fadhiga xaraka la,aanta.
4-hadaba bulshada somaliland waxaan u sheegayaa iyo dhamaan akhristayasha faraha badan in aydun isku taxalujisaan sidii aa faaiidooyinkaa u gaadhi lahaydeen si yaroo fudud oo aan dhi badani ku jirin (SOCODKA),Waana 30 daqiiqo maalintii shan casho wiigii .
waxaa xusid mudan in bulshadeenu rikoodhka ku jebisay jimicsi la,aanta iyo socod yarida oo ay fadhiga aad u badsadaan aan lahayna fikrada noocaasa.
****waxaan aaduga digayaa fikrada odhanaysa waanu soconaa maalin walba markaanu shaqaynayno ama shaqadayadaaba socoda markaa intaas baa jimicsi noogu filan ,waxaan odhan karaa waa fikrad khaldan inkastoo aad dhaanto ka fadhiga shaqdiisa ku qabsada ama aan soconba,hadana  malaha faaiidada socodka jimicsiga looga danleeyahay kan ay fikradaasi xanbaarsantahay iyo juhdiga caqliyan iyo jismiyan aad geliso SOCODKA jimicsiga.
xanuunadan badan ee dalkeena iyo bulshadeena aadka ugu soo badanaya waxaa in badan keena fadhigan farahabadan iyo xaraka la,aanta (kaadi macaanka,dhiig karka,wadna xanuunka, kolistaroolka ,iyo cayilkan xad dhaafka ah ee aynu moodno caafimaadka.)
bulshada somaliland waxaan ku boorinayaa inay naftooda u tudhaan oo cafimaad kooda ilaaliyaan SOCODKAA aan wax badan u dhimayna ee faaiidada intaa leegi ku jirtana laasimaan,bulshowkala dooro jidh caafimaad qaba iyo caqli saliima iyo jidh xanuunsanaya ,filimaayo inay yihiin laba lays barbar dhigo ama layna kala dooran siiyo..waxaynu ognahay halka xaalkeena adeega cafimad maanta marayo ee aynaan u awoodin xanuunadaa daawayntooda……   YAR IYO WAYN HALA BILAABO JIMICSIGA SOCODKA AH ,,,
ugu danbayntii waxaa xusid mudan oo suaali kataagantahay ma isqaadan karaan jimicsiga iyo soontu ,bilramadaan inagoo jira wax haba yaraatee idinka manacayaa ma jirto inaa kii jimicsan jirayna halkii sii ka sii wado kii aan jimicsan jirina aan is odhan waa bil ramadaanoo waad soomantahay ,lakii waxaa muhiima inaanu aad u badnaan wakhtiga aad jimicsanaysaa oo intii hore ka soo koobto aanu noqona mid adag oo aad ku bedesho socod oo kale halkaad ka ordi jirtay ,wakhtiga ugu fiicani waa afurada ka hor ama afurada ka bacdi lakiin fatrad ka bacdi ama salaada taraawiixda ka dib .
bulshada somaalinaad si gaara waxaan leeyahay caafimaad ku waara iyo caqli saliima iyo dhamaan inta afsomaliga ku hadasha iyo umada islaamkaba.
allaa mahadle>>>>
                                                                                                                            abdirashid osman
                                                                                                                   abdirashidsmn@yahoo.com
                                                                                                                                     Dubai
                                                                                                                              00971506972985
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker