Trump Oo Dhaqaaalihii Dalkiisu Siin Jiray Ha,adda WHO Ka jaray

Madaxweynaha Mareykanka Xalay  ku dhawaaqay inuu joojiyey dhaqaalihii ay dowladda Mareykanka siin jiray Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

 

 

Trump ayaa ku eedeeyay inay Hay’adda WHO ku fashilantay hubinta kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Wuhan, dalka Shiinaha, isla markaana ay u janjeersatay dalka Shiinaha, iyadoo arrimaha siyaasadda ka door biday badbadaadinta dadka. Wuxuuna ku eedeeyay inaysan ka digin u safarka dalka Shiinaha.

 

 

Madaxweynaha Mareykanka oo hore Hay’adda WHO ugu eedeeyay inay u xaglineyso Shiinaha ayaa sheegay inuu joojiyey dhaqaalihii uu Mareykanku siin jiray Hay’adda dunida u qaabilsan caafimaadka xilligan adag ee lagu jiro dagaalka cudurka Coronavirus.

 

 

Wuxuu ku eedeeyay inay WHO mas’uul ka tahay sida Cudurka Coronavirus ugu fiday dunida, ayna ku fashilantay shaqadeedii asaaska ahaa, isagoo ku dooday in haddii ay mar hore shaqadeeda qabsan lahayn laga baaqsan lahaa dadka badan ee u dhimanaya cudurka Covid-19.

 

 

Trump ayaa loo arkaa inuu masabidanayo Hay’adda WHO, isagoo ka dhiganaya meel uu uga baxsado cadaadiska ka heysta gudaha Mareykanka oo ah inuu yareystay cudurka Coronavirus, isla markaana uu ku fashilmay qorshaha ka hortagga dalkaasi oo ah kan ugu weyn ee uu faraha ba’an ku hayo.

 

 

 

Mareykanka ayaa sanadkii ku taageera Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO lacag dhan ilaa 400 Milyan oo Doolar oo ka mida Miisaaniyadeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker