Sirdoonka Dalka Maraykanka Oo Sheegay Inaan Weli Laga Adkaanin Kooxda DAACISH

Sida laga soo xigtay Agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeedha dowladda Islaamka ee DAACISH ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday.

Hadalkiisan ayaa ka soo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay Madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday isagoo taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya.

Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Coats in Madaxweyne Trump uu sumcad ku helay inuu caalamka ka dhigayo goob nabdoon uuna la kulmayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isago ku shaaciyay bartiisa twiterka in halistii Nukliyeerka ay dhammaatay.

Balse, Mr Coats ayaa u sheegay guddiga mukhaabaraatka Mareykanka in Kuuriyada Waqooyi ay ku dadaaleyso inay heysato hubkeeda sida ba’an wax u gumaado iyo in ay awood u yeelato soo saarida hub badan.

Balse, waxa aanu xusin ayaa ah wax halis ah oo ka imaanaya dhanka muhaajiriinta sida sharci-darrada ah ugasoo galaya Mareykanka waddanka Mexico.

Mr Trump ayaa ku qasbay in la xidho laamaha xukuumadda Mareykanka kaddib markii congareska uu kasoo horjeestay bixinta kharashka lagu dhisayo gidaarka xadka Mareykanka iyo Mexico, kaasi oo Trump uu ku sheegay inuu muhiim u yahay ammniga qaranka Maraykanka.

Waxaana weli suuragal ah in Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqo xaalad deg-deg ah oo Qaran haddii aan heshiis laga gaadhin badhtahama bisha labaad ee sannadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker