WADDADA CEERIGAABO WAA SAADDAAL RUMOOWDAY

Isku tashigga bulshaddu  Wuxuu bidhaamiyaa himillo iyo horumar taam ah, oo ay Ma’hadiyaan jiillal badan,
 lkn Horumarka  bulsho Higsataa Wuxuu u baahanyahay Hoggaamiye adag  oo leh Hal-Abuur iyo Hamno  dheer oo uu  kaga  Midho dhaliya Himillada Shacabka.
Markii U taladda, dalka Haaneeday  Madaxweynihii horumarka, Somaliland Ahmed (Siilaanyo) Waxaa lagu dhiiraday In la’dhiso Jidka isku Xidha Burco iyo  Ceerigaabo oo ay  Ka Maaggeen, dowladihii badnaa ee  dalka Soo Maray Illaa Maxmiyaddii Ingiriiska iyo Jamhuuriyaddii Soomaalida ee burburtay (1991).
Jidka isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo waxaa dhererkiisu gaadhayaa 360km Marka lagu darro 60km oo ah Meesha laga Qaaday waddada ee tuuladda INA afmadoowe oo dhinaca bari Burco ka Xigta 60km.
Jidkan waxaa lagu dhisay Canshuurta laga qaado dadka reer Somaliland, Wuxuuna Marayaa Marxaladii u danbaysay oo ah dhamaad Mashruucan oo ah kii Ugu Waynaa ee Somaliland laga hirgeliyo (27)todoba iyo labaatankii Sanno ee Somaliland jirtay.
Shacabka Gobolka Sanaag ayaa go’doon ka ahaa Somaliland Inteeda kale Waxaana Khayraadka gobolka ka Faaiidaysanjiray  Meela kale oo loo dhoofinjiray Wax Soo Saarka gobolka Sanaag, dhinaca  Kale gobolka Sanaag ayaa ah Gobolka Qaniya Waxaana ku yaalla Buuraha Caanka ah ee Daallo iyo Surad  Sidoo kale Wuxuu gobolku Caanku Yahay waxa yaabbo ay ka Mid yihiin Beeyyada iyo Faleemka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker