Nuxurka Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga, ayaa kulan ay yeesheen kaga wadahadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin taageerada EU-du siiso Hay’adda Garsoorka iyo bahda caddaaladda Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, kulankan oo maanta (Arbacada, 15 July 2020) ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxa kaloo lagu soo hadal-qaaday arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu Safiirka Midawga Yurub ammaanay bahda garsoorka Somaliland.

Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga.

Kulanka oo ahaa mid saaxiibtinimo ayaa lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqaynta ka dhexaysa Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka, waxaana uu Safiirku xusay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka iyo hay’addaha ay wada-shaqaynta leeyihiin, sida Booliiska, Asluubta, caddaaladda iyo xuquuqul-insaanka.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale iska xog-waraystay doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya doorka shariifka ah ee Midowga Yurub ka gaysto taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, geestiisa Ambassador Nicholas Berlanga waxa uu Garsoorka  Somaliland ku ammaanay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dawlad-wanaagga, caddaaladda iyo xuquuqda aadamaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker