Qarax Xooggan oo Ruxay Caasimadda Lebanon ee Beirut

Beirut  (OWN) – Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay Caasimadda dalka Lebanon ee Beirut sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi.

 

Qaraxan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel u dhow Dekadda ku taalo Magaalada Beirut kaasoo geystay khasaaro isugu jiro burbur xooggan oo soo gaaray qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Caasimadda iyo khasaaro nafadeed oo xooggan.

Inkastoo  aan weli si cad loo ogeyn nooca uu yahay qaraxaan ayaa haddana muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dheehan karay inuu ahaa qarax cabirkiisu yahay mid aan caadi aheyn.

 

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamayo in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo la geliyey gudaha bakhaar weyn oo ku yaalo agagaarka Dekadda Beirut, isla markaana waxyeelo u geysatay masaafo aad uga fog Dekadda.

Wasiirka Caafimaadka dalka Lebanon, Hamad Hassan ayaa sheegay inuu qaraxaan geystay dhaawacyo boqolaal ah inkastoo uusan ka hadlin haddii ay jiraan dhimasho.

Muuqaal ay duubtay Al-Jazeera ayaa muujinayo qulqulka qiic xooggan oo bilowday ka hor inta uusan dhicin qaraxa xooggan, waxaana dumay guryo iyo Bakhaaro waaweyn oo ku yaalay Dekadda ku taalo Caasimadda dalkaas ee Beirut.

Qaraxan ayaa waxaa laga maqlay jasiiradda Qubrus oo 240 km u jirta Beirut taasoo muujineyso inuu ahaa qarax cabirkiisu uu yahay mid aan la qiyaasi karin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker