Nin Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Macalin wax ka dhiga iskuul kuyaala magaalada Muqdisho ayaa xaaskiisa ku dilay xaafad katirsan degmada Wardhiigley, kadib markii la sheegay in lamaanahaasi soo kala dhax galay khilaaf .

Macalinka dilka geestay oo magaciisa lagu soo koobay Bashiir oo wax ka dhigayay iskuulka Hanti Wadaag, ayaa dilka xaaskiisa oo lagu magacaabayay Salaado Faarax Cali u adeegsaday bir uu madaxa uga dhuftay kadibna goobta ka baxsaday.

Macalin iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in mudo is qabeen wax caruur ahna aysan isku dhalin, waxaana lamaanahan soo kala dhax galay khilaaf la sheegay in xalkiisa marar badan loo fadhiistay balse lagu guul dareystay in xal laga gaadho.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaana baadi goob ugu jira macalinka dilka u geystay xaaskiisa oo baxsaday, macalinka dilka geystay ayaana caan ka ahaa degmada Warta Nabada uu degnaa sidoo kale macalin ka ahaa.

Dhacdadan ayaa waxaa si weyn uga argagaxay dadkii ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay iyo ehelada gabadha la dilay, waxa ayna dhacdadan naxtinta leh qeyb ka noqoneysaa dhacdooyin laga argagaxo oo mudooyinkan kusoo badanaya magaalada  Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker