Soomaaliya oo Lagu Daray Liis Madow oo Ay Soo Saartay Qaramada Midoobay

Waddamada Soomaaliya, Congo, Afghanistan iyo Syria, ayaa safka hore ka galay goobaha ay carruurtu ku jiraan khatarta ugu badan dunida, sida ay sheegtay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Carruurta.

Waddamadaas ayay ka dhacaan ku dhowaad 60% dhammaan xadgudubyada loo gaysto carruurta ee caalamka oo dhan, waxaana ay ku jiraan liiska madow ee sanadlaha ah ee ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in xadgudubyadii ugu badnaa ee dhacay 2020-kii ay ahaayeen u adeegsiga caruurta.

In ka badan 8,400 oo carruur ah, ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 sii xumeeyay nuglaanta oo ay ka mid tahay caqabad ku noqoshada helitaankooda waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker