Duufaan wadata dabaylo iyo roobab oo ku dhufatay Mozambique

Dalka Mozambique, ayaa waxaa hareeyay roobab, dabeylo xooggan iyo daadad, iyadoo duufaantii Freddy ay soo gaartay, markii labaad muddo bil gudaheed ah.

Dalkan ku yaalla dhanka koonfureed ee qaaradda Afrika, ayaa waxaa ka da’ay roob xadigiisu badan yahay, sanad iyo afartii toddobaad ee la soo dhaafay.

Freddy ayaa waxaa laga yaabaa inay noqoto duufaantii ugu xiliga dheerayd ee la diiwaan geliyo, iyadoo asalkeedii ka timid waqooyi-galbeed ee Australia 34 maalmood ka hor.

Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay, taasoo tirada dhimashadu ka dhigaysa ugu yaraan 28, tan iyo markii ay duufaantu markii ugu horreysay soo gaartay dalkani.

Dadka ayaa laga dalbaday inay u guuraan hoy ku meel gaar ah – oo ay ku jiraan iskuullo, kaniisado iyo bakhaaro.

In ka badan nus malyuun qof, ayaa wakhtigan halis ugu jiri kara masiibo bini’aadantinimo, sida ay sheegeen hay’adaha masiibooyinka maxalliga ah.

Iyadoo dabeylo xooggan ay ku dhufatay dalka, hal qof ayaa ku dhintay kadib markii gurigiisa uu dumay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganeysa TV-ga dowladda ee TVM.

Korontada ayaa loo damiyay si taxadar leh, iyadoo taasi ay sameysay shirkadda korontada, waxaana la joojiyay dhammaan duulimaadyadii, sida uu sheegay TVM.

Duufaanta ayaa lagu soo waramayaa inay haatan soo marayso badda, waxaana loo maleynayaa inay ku soo wajahan tahay dhowaan.

Khubaradu waxa ay sheegeen in isbeddelka cimiladu uu ka dhigayo duufaannada kulaalayaasha adduunka oo dhan kuwo qoyan, dabaylo wata oo aad u daran.

Duufaanta Freddy, ayaa waxay hore u dhaaftay heerka rikoorada, iyadoo tani ay gaartay 8,000-km (5,000-mile), iyadoo ka timid dhanka waqooyi galbeed ee Australia, soona dul martay Badweynta Hindiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker