Dawladda Ruushka Oo Ka Hadashay Wadahadaladi Soomaaliya Iyo Somaliland

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay wada-hadalkii   dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Jabuuti oo labada dhinac heshiis gaadheen, in kastoo aan la fulin.

Ergayga joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vassiliy Nebenzia ayaa sheegay in Xukuumadda Moscow ay ka walaacsan tahay burburka ku yimid wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti.

 

Sidoo kale Vassiliy Nebenzia ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay leedahay in mar kale dib loo bilaabo wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac, isla markaana laga shaqeeyo qaabka ugu wanaagsan khilaafka lagu xalin karo.

Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ka dalbaday wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal buuxa lana sii amba qaado wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee Ogoosto ka dhacay Jabuuti.

“Waxaan ka walaac sanahay burburka ku yimid wejiga labaad ee wada-xaajoodyadii August, waxaan ka dalbaneynaa labada dhinac inya isu tanaasulaan, aad bey muhiim u tahay in wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo” ayuu yidhi Vassiliy Nebenzia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker