Jabuuti iyo Kenya oo ku heshiiyey dalkugal bilaash ah

Kenya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay meesha ka saaraan shuruudihii dal ku galka ee muwaadiniintooda si kor loogu qaado ganacsiga iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Capital FM 11-kii June.

Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle oo dakiisa kusoo dhaweeyay, ayaa sidoo kale muujiyey ka go’naanshaha ah inay dhameystiraan heshiiska socdaalka shaqaalaha ee labada dal.

“Kenya waxay soo gabagabaysay habraacyo lagama maarmaanka u ah in muwaadiniinta Djibouti ay si bilaash ah ku tagaan Kenya,” Ruto ayaa sidaa yiri mar uu Geelle kula hadlayay magaalada Jabuuti.

Ruto ayaa sheegay in labada dal ay sidoo kale aqoonsan doonaan shahaadooyinka tacliimeed ee laga helo labada dal ee fursadaha shaqo. “Waxaan madaxweynaha ku wargeliyay in Kenya ay ardayda Jabuuti u fidinayso 300 oo boos oo ka mid ah jagooyinkeenna tacliinta sare iga oo laga qaadayo kaliya khdimadaha aradada Kenya laga qaado,” ayuu yiri.

Labada mas’uul ayaa goob joog ka ahaa heshiiska is-fahamka tamarta, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo fanka, iskaashiga dhanka adeegga dibadda, iyo dalxiiska.

Geelle iyo Ruto ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir ay yeelanayaan Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo dagaalka ka socda dalka Sudan kaas oo maanta ka socda dalka Jabuuti

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker