Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Oo Loo Gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka Ee ICC + Sababta.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, kaddib markii lagu soo eedeeyay dacwado ka dhan ah bani’aadanimada.

Xildhibaankan ayaa la xidhay bishii la soo dhaafay, kaddib markii uu rasaas ka dhex riday gudaha Barlamaanka, kaddib markii ay murmeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Ninkan ayaa Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku soo oogtay inuu mas’uul ka ahaa falal dil, jidhdil, weerar dadka rayidka ah iyo inuu carruur dagaal geliyay

Waxaa uu hoggaaminayay Maleeshiyo Masiixiyiin ah, kaddib markii talada dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la wareegeen muslimiinta sanadkii 2013.

Alfred Yetakom ayaa sanadkii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanak Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, isagoo ay saarneyd xayiraada Qaramada Midoobey.

Qalalaasaha ka socday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa sii xoogeystay, sanadihii 2013 iyo 2014, markii ay kordheen weerarada ka dhanka ah Muslimiinta laga tirada badan yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker