Tababare Shaafi oo ka tagaya Barcelona kaddib guuldarradii cuslayd ee xalay dhabarka loo saariyay

Tababaraha Barcelona Shaafi ayaa sheegay in uu shaqada ka tagi doono dhammaadka xili ciyaareedkan.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka Spain iyo Barcelona ayaa shaqada kooxdan qabtay bishii Noofeembar 2021 kaddib markii uu ka tagay kooxda reer Qadar ee Al Sadd.

Kooxda Barcelona ayuu u hoggaamiyay horyaalka Spain ee La liga xili ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee buuxa 2022-2023, laakiin Sabtidii waxa ay guuldarro culus ka soo gaartay kooxda Villareal oo garoonka Kaam Nuu ku badisay 5-3, iyagoo sidaa 10 dhibcood uga dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Real Madrid.

“Waxan ahaa shakhsiga kooxda. Naftayda ayaan xitaa ka hormariyay. Wax kasta ayaan u huray,” ayuu yiri Shaafi.

“Sidaas ayaana ku sii wadi doonaa si aan taageerayaasha uga dhigo kuwa dareemaya Sharaf.”

44 jirkan oo kula guuleystay kooxdiisa Barcelona muddadii uu u ciyaarayay illaa 25 koob ayaa shaqada si rasmi ah uga tagi doono 30 Juun, in kastoo qandaraaskiisa ay uga harsan tahay sanad kale.

Ku guuleystaha koobkii aduunka ee 2010 ayaa sheegay in uu go’aankan qaatay kaddib markii uu wadahadallo la yeeshay gudoomiyaha Barcelona Juan Laporta, gudoomiye kuxigeenka Rafa Yuste, iyo madaxa ciyaarraha ee kooxda Deco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker