Beesha Awrmaal (Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe)

Beesha Awrmaal, ee Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe, ee Habar Jecle, waa beel dagaal sokeeye, oo qarnigii 19aad dhacey’i uu kala irdheeyey, oo dhinacaas iyo Koonfurta Soomaaliya, ilaa Woqooyiga Bari ee Kiiniya u kala qaxdey.
Beesha magaceedu waa Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe.

Naaneysteeduna waa Awrmaal, oo rarashada awrta ayuu ugu baxey.
Nasiib darro, sababo dahsoon, oo dhagareysan daraadood, ayaa naaneystii beesha Awrmaal loo nasakhey. Cawra-male ayaa lagu baddaley. Naaneystan xun, ee cawra-male, ee liidka ah, ee yasidda ah, ee fadeexadda ah, ee is astur la’aantu, waa naaneys ceebeysan, oo cawaansan, oo cawreysan, oo beeshu aanay gayin; oo beeshu aanay dhaqan u lahayn, oo beeshu aanay hiddo u lahay.

Awrmaal, waa beel diin leh, oo asluub leh, oo xishood leh, oo asturnaan leh, oo xadaarad leh, oo ilbaxnimo leh, oo isir suubban leh, oo asal siraadan ah, oo abtirsiin sugan leh, oo taariikh saxan leh; oo soo-yaal taariikheysan leh, oo waa beel fac weyn.

Awrmaal waa:
Aadan-madoobe-koonfureed
Habar Jecle-koonfureed
Isaaq-koonfureed
Dir-koonfureed.
Awrmaal waa saddexdan jilib:
Cabdille Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
Siciid Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe
Aadan Ibraahim Ugaadh Aadan-madoobe

Sidaas darteed, Awrmaalow, haween iyo rag, waayeel iyo wax-garad, ardey iyo aqoon-yahan, waa inaad dhammaantiin ku-dhac yeelataan, oo dhiiranaan lahaataan, oo abtirsiintiina saxda ah, taariikhdiina sugan iyo isirkiina suubban, waa inaad ku dhaqantaan, oo ku dhagganaataan; oo ku dhaadataan – bi idni Allaah.
Alla ha u naxariista’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker