Dawladda Soomaaliya Oo Diiwaan-gelinaya Ajaanibta Sharci Darada Ku Joogta Dalka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe lagu diiwaan gelinayo Ajaanibta sida sharci darada ah ku joogta dalka.

Wuxuu sheegay Ajaanibta ku sugan gudaha Somaliya qaarkood in ay dambiyo kala duwan ka soo galeen dalalkooda, kuwaasi oo Somaliya dhuumaaleysi ahaan u soo aaday, balse la baadi goobayo.

 

Sidoo kale Agaasime Koofi ayaa waxa uu sheegay in ay ku daba jiraan dadka Ajaanibta ah ee wadamadooda dambiyada ka galay, hadii ay gacanta ku soo dhigaana ku wareejin doona Hay’adaha ammaanka si dalalkooda dib loogu celiyo.

 

“Waxaa jira dadyow badan oo dalalkooda dambi ka soo galay, oo gudaha soo degay, tiradooda aad ayay u badan tahay, marka ay dalka yimaadaan waxaa looga baahan yahay in ay ixtiraamaan sharciyada dalkan u yaalla, waxaan diyaarinay hababkii dadkaasi lagu diiwaangelin lahaa, wixii dambiyo galayna Hay’adaha ammaanka ayaan ku wareejineynaa.” Ayuu yiri Koofi.

Dalka Somaliya ayaa waxaa ku soo qul qulayay Ajaanib ka yimaada wadamada caalamka, wixii ka dambeeyay markii ay dhacday dowladii dhexe ee  Somaliya, iyadoona aysan jirin cid la xisaabtanta.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker