Israa’iil oo safaarad ka furanaysa mid kamid ah dalalka Islaamka

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Eli Cohen, ayaa galinka dambe ee maanta ka dhoofi doona dalka Azerbajan, isagoo ku sii jeeda dalka Turkmenistan, si uu u furo safaaradda ay ku yeelanayaan dalkaas ee magaalada Ashgabat.

Waa safarkii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Israa’iila, uu ku tago dalka Turkmenistan soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, safaaradda Israa’iil ee laga furayo magaalada Ashgabat, ayaa waxay ku taallaa qiyaastii labaatan kiilo mitir goob u jirta xadka dalka Iran.

Iran iyo Turkmenistan, ayaa waxay wadaagaan xuduud dhan 1,148 km. Xoogeysiga joogitaanka Israel ee Turkmenistan, ayaa laga yaabaa inay walaac ku abuurto dawladda Iran.

Israa’iil ayaa safiir ku lahayd Ashgabat muddo toban sano ah, balse ilaa hadda waxa uu arrimaha safaaradda ka maamulay xafiis ku meel gaar ah oo ku yaalla hoteel ku yaalla Ashgabat.

Cohen ayaa lagu wadaa inuu beri la kulmo Sardar Bardimohamedov, Madaxweynaha Turkmenistan, iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Beeraha ee dalkan.

Eli Cohen ayaa hadda ku sugan dalka Azerbajan, oo ah saaxiibka kale ee muhiimka ah ee Israa’iil, kaasoo dhaca xuduudka waqooyi ee Iran, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo madaxweyne Ilham Aliyev.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, ayaa waxaa safarka ku weheliya wafdi ganacsato ah oo matalaya 20 shirkadood, oo ka shaqeeya dhinacyada internetka, amniga gudaha, biyaha iyo beeraha.

Marka laga soo tago wasiirka arrimaha dibadda, ayaa wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa wasiirka dhaqaalaha ee dalka Asarbajan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker