WARSHADA SAMAYSA WADOOYINKA CAASIMADA IYO DAREENADA KU XEERAN.

MAXAA SABABAY TAYO XUMADA WADOOYINKA CAASIMADA? YAASE GACANTA KU HAYA MAAMULKA WARSHADA NAAS-ABAARSO SITE.
Q. 1aad
“Walee qalin daraalaha, Danbi shacabka laga galay, Kama qariyo wadhatada
Walee qoonka mililka leh, Qarka sare ma dhaydhayo” IHN. Abw. Gaariye.
Taariikh Kooban Qalabka Wadooyinka Lagu Dhiso ee Naas-abaarso Site Hargeysa.
Bishii October 2015 ayaa qalabkan laga soo dajiyay magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale. Shirkad wayn oo laga leeyahay dalka Ethiopia oo magaceeda la yidhaa METEC ayay dawlada hoose ee caasimada hargeysa kasoo iibsatay qalabkan iyadoo kaashanaysa Wasaarada A. Dibada iyo Wasaarada A. Gudaha ee Somaliland. Qalabkan ayaa lagu soo iibiyay lacag dhan Laba Milyan  iyo Sagaal Boqol oo Kun ( $2,900,000 ).
Hindisa ah in dawlada hoose iibsato qalab wadooyinka lagu sameeyo waxay ahayd talaabo loo qaaday dhinaca horumarka, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa way ku amaanan yihiin keenista qalabkan oo lahaa laba ujeedo oo muhiim ah, waa ta koowaad in la helo wadooyin tayo leh oo si casriya loo dhiso maadaama Caasimadu tahay muraayada Qaranka soona jiidata indhaha bulshada. Ta labaad waxay ahayd in dhaqaalaha adag ee dawlada hoose ku kiraysato shirkadaha wadooyinka sameeya ka maaranto.
Horaantii bisha Sept 2016 ayaa la tijaabiyay, kadib mudo ay qaadatay rakibaada qalabka, waxaana furitaankeeda xadhiga ka jaray M.weyne ku xigeenka Somaliland. Tan iyo maalintaas Shacabka ku dhaqan Caasimadu waxay rajo fiican ka qabeen inay ka bixi doonaan wado xumada ragaadisay caasimada, maadaama cashuurtii dadweynaha laga soo iibiyay qalabkan wadooyinka lagu dhisayo, dawlada hoosena ka raysan doonto kharashka badan ee ay kusoo kiraysan jirtay.
Nasiib daro, may dhicin taasi, dhawr shayba, waa ta koowaad Golaha deegaanku may abuurin xeerkii ay ku shaqayn lahayd Shirkadu, waa ta labaad maamulkii wax gacanta loo galiyay shirkad private ah oo macaash doon ah oo magaceeda la yidhaa (MEC) Management Engineering Company, Shirkadan Mayor Solteco ayaa heshiis lagalay, Golahana lama horkeenin, BID laguma bixin. Waxa is waydiin leh sababta keentay qalabkii cashuurta dadweynaha laga soo iibiyay in si private loogu shaqaysto.
Lasoco Qormad danbe.
Waxa idin la wadaagi doonaa Shares shirkada MEC sida loo kala leeyaha, Naas-abaarso Site waxa laga dhigtay meel Lacagta lagula baxo shirkadan qarsoodiga ah ka sokow waxaan idiin soo bandhigi doonaa kharaska ku baxa Site, mushaharka shaqaalaha, daamurka iyo shidaalada, xagay martaa laga qaado meelaha ka baxsan wadooyinka sida meheradaha, kaalmaha iyo lacagta dadweynaha laga qaado ee contribution ah, ugu danbayn qalabka ay dawlada hoose soo iibsatay hoos ma u dhigay lacagtii lagu kiraysan jiray mise lacag ka badan ayaa ku baxda?
Alaa Mahad Leh.
Maxamed Gacayte.
On 4 Jul 2017 2:59 a.m., “GACAYTE DUBAD” <gacayte09@gmail.com> wrote:

Sida aynu la wada socono waxa #8da bishan Maalinta Sabtida laga bilaabidoonaa Labada Gobol ee Togdheer iyo Maroodi-jeex Qaadashada Kaadhka Codbixinta; Todobada maalmood ee hore goob kasta oo laga codeeyo waa ladhigayaa kaadhka, wixii ka danbeeya way soo koobmayaan goobaha laga qaadanayo kaadhka codbixinta. Deegaanada miyiga mudo 5 cisho ah ayay ka soconaysaa. Qaadashada kaadhka codbixintu waa furaha Doorashada, qof kasta oo muwaadin ahi xaqbuu u leeyahay inuu codeeyo laakiin Kaadhkan la’aantii muwaadin xaq uma yeelan doontid inaad codeyso ama aad doorato cida aad taageersantahay ama isleedahay wuu ku haboon yahay hogaaminta umada.
Muwaadin xaqaaga doorasho Ha dayicin. Muwaadin ogsoonow in horumarka iyo hiigsiga mustaqbalkeenu ku xidhanyahay inaad qaadato kaadhka codbixinta ee ka bilaabmaya labada Gobol ee Togdheer iyo M.jeex iyadoo hore loosoo afmeeray labadii Gobol Saaxil iyo Awdal. Umaddi waxay ku faantaa wixii qabsato awoodeeda dhaqan dhaqaale iyo hanaanka doorashooyinkooda, sidaas darted waxa loo baahan yahay in siwada jira looga shaqeeyo mucaarid iyo muxaafidba gacmaha laysku qabsado sidii bulshada loogu wacyigalinlahaa qaadashada kaadhka codbixinta iyo muhiimada uu horumarka iyo qaranka u leeyahay.
Muwaadin maanta gacantaada ayay ku jirtaa sidii aad usoo saari lahayd hogaamiyaha aad aragto inay ku jirto danta dalka iyo dadkuba. Dabcan iyadoo ay jiraan duruufo adagi deegaanada qaar haleelkuna yaryahay, Hadana waa inaad xil iska saartaa  qaadashada kaadhka codbixinta waqtigaagana u hurtaa una adkaysataa safafka dhaadheer, waayo nolosha iyo mustaqbalka wanaagsani wuxuu ubaahan yahay halgan hawlyaraana ku iman maayo.
Diiwaangalintii iyo qaadashada kaadhka codbixintu labaduba waa guul u soo hoyatay Qaranka, waa guul usoo hoyatay xisbiyada qaranka, waa guul u soo hoyatay bulshada jecel horumarka iyo dimuqraadiyada, waa shayga suurtagalnaya in muwaadinku codkiisa ku meel mariyo doonistiisa. Muwaadin ka faa’iideyso fursadan qaaliga ah oo Qaado kaadhkaaga codbixinta (muwaadin ha dayicin xaqaaga doorasho). Muwaadin ku dhiiri gali naftaada, qoyskaaga iyo asxaabtaaba intii isdiiwaangalisay inay qaataan kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyada ee dhicidoonta sanadkan bisha Nov.2017.
Gabagabadii waxaanu ugu hambalyeynaynaa komishanka doorashooyinka qaranka iyo Xukuumaduba sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan in doorashada Waqtigeedii ku qabsoonto sidoo kale ugu dadaalayaan in la helo doorasho xor oo xalaal ah oo wadanka ka qabsoonta.
Guul iyo Gobonimo
Qalinkii. Maxamed Gacayte
Hargeysa/Somaliland.
On 2 Jul 2017 7:18 p.m., “Wargeyska Saxafi” <saxafinews@gmail.com> wrote:

“Doqon Ka Hadli Iyadaa Is Sheegiye” – Fasiraadda Guddida Ka Garnaqa Dhulka Magaalooyinka

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Doqon ka hadli iyadaa is sheegiye?” Waxaa iman doonta su’aal odhanaysa side ayay isu sheegi? Waxaa afkeeda ka soo burqan doona cuqdadda iyo colaadda ay xambaarsan tahay oo ay kuu soo bandhigi, waxay kaloo soo bandhigi ceebaheeda si loogu maadsado. Waa run doqon ka hadli iyadaa is sheegiye!!

Bulshada Cawaanka ah ee inta badan ka madhan aqoonta iyo garaadka waxaa lagu gartaa in marka wax loo sheego markaaba ay la boodaan iyagoo aan hubsan isla markaana aan u eegin sharciyadda iyo xeerarka bulshada u yaal, taas oo keenta in arrin iska qancinteeda si kooban loo dhamayn kari lahaa ay cirka ku laalaan.

Waxay araartaydani daaran tahay inaan saxo dood ay mafaariishta la soo fadhiistaan shaqsiyaad la garaad ah kuwa aan araartayda ku sheegay, waxaana u dambeeyay nin sheegtay inuu Boqor u yahay dhallinyarada oo maqaal aqoon iyo fikir miyir-qaba ka madhan ku xajiimeeyay masuul qaran oo aan arrin aanu shaqo ku lahayn u nisbaynayo.

Waxa shakhsigani ka hadlay Guddida Ka Garnaqa Dhulka ee gobolka Maroodi-Jeex oo dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland kala dirtay, isla markaana xafiiskoodii uu ka qufushay wasiir-ku-xigeenka Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Guddidan oo uu sida uu maqaalkiisan ninkani u dhigayo ka garnaqday dhul laysku haysto oo uu sheegay inay leeyihiin Ilma Axmed Jimcaale, isagoo ninkani markaas ku doodaya in Maayarka Caasimaddu guddidan xukumo ama uu isagu magacaabo.

Hase yeeshee ku dheeraan maayo ka jawaabista dooda ninkani oo haddii aan ku dheeraado aan noqonayo qof meel madhan la hadlaya, balse waxaan qallinka u qaatay inaan saxo ninkan oo qoraalkiisu kuu sheego inaanu fahminba guddidani xagay ka timid iyo cidda ay yihiinba, iyo inaan bulshada u iftiimiyo sharciyan waa ayo guddidani maxay qabataa, yaa magacaabaya, maxayse tahay awoodeedu?

Sida uu dhigayo Qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka ee Magaalooyinka ee Xeer Lr. 17/2001, kaas oo kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay ay Golaha Wakiilladdu bishii August 2008 ku ansixiyeen, ayaa waxa uu jidaynayaa “Ka-Garnaqa Dhulka”, kaas oo fiqradiisa koowaad tilmaamayso in guddidani tahay mid ka gar-naqaysa dhammaan khilaafaadka ku saabsan dhulka darajadiisa koowaad, isla markaana ay tahay guddi maamul oo ka kooban toddoba xubnood oo ka kala imanaya shan wasaaraddood, xubin golaha deegaanka ah iyo xubin shaqaalaha dawladda hoose ah, waxaanay fiqradda koowaad ee qoddobka 28aad ee Xeerka Maamulka dhulka Magaalooyinku u dhigan yahay sidan:

“QODOBKA 28aad

KA-GARNAQA DHULKA

1. Dhamanba khilaafaadka ku saabsan dhulka waxa ka gar-naqaya Darajaddiisa 1aad, Guddi maamul ( Administrative Tribunal) oo ka soo saaraya Go’aan, Guddigaasi waxay ahaanayaan dad aqoon u leh arrimaha dhulka kana kooban sidani:

Hal qof oo Wasaarada Hawlaha Guud ah – Guddoomiye

Hal-qof oo Shaqaalaha Dawladda Hoose ah – Xoghaye

Hal-qof oo Golaha Deegaanka ah              – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaarada Beeraha Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Ah – Xubin

Hal-qof oo Wasaaradda Horumarinta R-Miyiga ah – Xubin”

Haddii aynu hoos ugu sii daadegno guddidan waxaa hay’adaha ay ka kala imanayaan qoraal kaga dalbanaya inay xubintooda soo magacowdaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo ay hay’ad waliba magaca xubinteeda guddidaas uga wakil noqonaysaa soo magacaabanaysa oo qoraal ugu soo gudbinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kadibna ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu digreeto heer wasiir ah ku soo saaray magacaabista guddida oo dhamaystiran, sida ku cad faqradda 3aad ee qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001

Sidoo kale, muddo-xileedka guddidani waxay faqradda labaad ee qodobkan 28aad ee Xeer Lr. 17/2001, sheegaysaa inay tahay muddo laba sannadood ah, balse waa loo cusboonaysiin karaa xubinta iyadoo loo raacayo dariiqadii loo soo magacaabay, taas oo macnaheedu yahay in dib loo soo raacayo farqadii 1aad ee qodobkan ee aynu xaga hore ku soo aragnay.

Bal aynu eegno haddaba sida ay dhigayaan labada faqradood ee 2aad iyo 3aad ee qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001, kuwaas oo u dhigan sidan:

“2. Guddiga faqradda 1aad ku sheegan waxa qof kasta oo ka mida ah magacaabaya Hay’adaha ama Wasaaradda uu ka tirsan yahay, ka dib marka ay codsi arrintaasi soo magacaabista ah ka helaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Mudada xilkooduna waa laba sanno, waana loo cusboonaysiin karaa xubinta, iyada oo loo raacayo Dariiqadii loo soo magacaabay

3. Hay’add waliba waxay u gudbinaysaa magaca xubinta ay u Wakiisheen inay ka mid noqoto Guddiga Wasaarada Arrimaha Guddaha. Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya ku soo saaraya Degreetada ay ku hawl-gelayaan oo heer Wasiir ah.”

Faqradda 4aad ee isla qodobkan ayaa iyadu ka hadlaysa goobta guddidan fadhigeedu noqonayo, waxaanay sheegaysaa in Maayarada xafiis ka siinayaan guddida xarumaha dawladaha hoose, laakiin wax faro-gelin ah kuma yeelanayaan hawlaha shaqo ee guddidaas, waxaanay faqradda 4aad u qoran tahay sidan:

“4. Guddiga fadhigeedu wuxuu noqonayaa xarumaha Dawladdaha Hoose oo Maayiradu ka siinayaan xafiis.”

Ugu dambayn faqradaha 5, 6aad iyo 7aad ee qodobka 28aad ee Xeerka maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001, oo iyaguna ka hadlaya go’aanka guddidaas ka gaadho dacwada cidii ku qanci wayda meesha ay rafcaanka uga qaadan karto, karashka dacwad-furashada, gunada guddida, xeer nidaamiyaha hawlahooda shaqo, ayaa waxay u qoran yihiin sidan:

“5. Go’aanka ay gaadhaan Guddiggaasi, ciddii ku qanci wayda waxay xaq u leeyahay in ay maxakamadda Sare Idaari ahaan ugu qaadato Racfaan, kaasi oo noqonaya Kama danbays, Muddo bil guddaheed ah. Kharashka dacwadda waxa la saarayaa cidda uu xukun Kama dambaysta ahi ku dhacay. Fiigii Maxakamadduhu ka qaadi jireen kiisaska dhulka la isku qabsaddo, waxa qaadaya Maxakamadda sare.

6. Gunadda Guddigu ay yeellanayso, qadarka kharashka dacwad furashada ee laga qaado dhinaca soo dacwooday, habkooda shaqo sida ay u fushanayaan, Go’aamadda ay gaadhaan sida loo fullinayo, haddii dhinici laga xukumay racfaan qaadan waayo iwm ee ka dhiman halkani, lana xidhiidha xil-guddashadda Guddigaasi waxa xeer-nidamiye Wasaaradeed ku soo saaraya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Xeer-nidaamiyahaasi ayaa lagu faah-faahin doonaa Qodobadaasi iyo wixii kalee muhiim u ah Hawl-galka Guddigaasi. Xeer-nidaamiyehaasi ma noqonayo wax ka hor yimaadda xeerkan.

7. Degmooyinka aan laga wada heli Karin Hay’adaha ay Guddigu ka kooban tahay, Xeer-nidaamiyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya lagu sheegi doonaa tiradooda iyo Hay’adaha ay ka koobnaanayaan.”

Gebo-gebo

Haddaba, gunaanadkii waxaan hal u sheegayaa ninkan boqorka dhallinyarada sheegtay, in doodiisu aanay aqoon sharci iyo caqli fayow ku dhisnayn ee ay ahayd uun kas gaabni xajiimeyn ah oo ay ka muuqato in aanu garanayn oo aanu aqoon u lahayn waxa uu ka hadlayo, cidda uu isleeyahay hiil baad u tahayna ka luminayo jidkii wixii ay xaq u leeyihiin ay u mari lahaayeen. Arrintiisuna waxay iila muuqataa hal-ku-dhegii ahaa “doqontu il keliya ayey leedahoo, ishaana waxay ku haysaa xigtadeeda”

Waxaan hadal ku soo geba-gebaynaa in Somaliland waxa keliya ee ay Somaliyadaa burburtay kaga duwan tahay ay tahay xeerarka iyo sharciyadda ay samaysteen ee goleyaasheedu ansixiyeen, kuwaas oo khilaaf iyo muran kastoo yimaadaba haddii dib loogu noqdo lagu kala bixi karo, laakiin ayaan-darradu waxay ka taagan shakhsiyaad indhaha ka riddaya sharcigii iyo xeerarkii ay ummaddu lahayd oo warbaahinta kula soo ordaya doodo qurus-ku-doon ah, “Afalaa tacqiluun” ayaan leeyahay.

Wa bilaahi Tawfiiq

Khaalid Maxamed Xuseen

Muwaadin Somalilander ah

Hargeysa, Somaliland

2017-07-01 23:23 GMT+03:00 GACAYTE DUBAD <gacayte09@gmail.com>:

Dacwadaha dhulku waa dhibaatooyinka ugu badan ee bulshadeena dhexyaala kuwaas oo sababa khasaare naf iyo maalba leh, Dawlada Hoose xilbaa ka saaran xalinta khilaafaadka dhulka, Golaha Deegaanka iyo Mayorka Caasimadana waxa saaran masuuliyad gaar ah waayo shacabka ayaa soo doortay. hadaba waxa in badan soo noqnoqatay in si badheedha loo qaato dhul uu leeyahay qof muwaadin ah oo jilicsan horaa loo yidhi Miskiinbaa Misko La Fuulo Leh. Sidaas darteed anigoo ah Boqorkii Dhalinyarada Somaliland ah Boqor Cabdilaahi Xuseen Axmed(Jaleelo) waxaan doonayaa inaan ka hadlo Dacwada Dhulka Muj. Axmed Jimcaale; Ceebay inagu tahay in maanta dadkii dhiigooda usoo shubay Qarankan lagu qabsado dhulkii uu daganaa ee uu uga tagay caruurta agoonta ah, in wax loogu daro mooyee may ahayn kuwii laga qaadi lahaa cid kasta haku qabsadee qaranka ayaa uga damiin ah, waana arin laga xishoodo falkaas cidii ku kacday iyo inta daba ka riixaysaa wax noqonayaan wax magarato maangaab ah. Mayor Soltelco waxaan ka sugayay inuu arintaa xil iska saaro cadaaladna ku dhameeyo, nasiib daro waxa soo baxday in Mayor Soltelco qayb ka yahay lana safan yahay kuwa xaqdarada ku doonaya dhulka agoonta, kadib markii uu shaqadii ka joojiyay Guddidii Dacwadaha Dhulka kuwaas oo si cadaalad ah uga garnaqay dhulkaas ina xukumay Agoontii Lahayd Dhulka ee Ilma Jimcaale.
Hore ayay tan oo kale u dhacday Dhulkii uu lahaa Muj, Axmed Jabaan ayaa sidan oo kale dad qardajeexayaa ay waraaqo aan jirin usoo samaysteen, khasaare badana ka dhacay ilaa caruurtii Mujaahidka mid kamid ah halkaas ku geeriyooday. Iyadoo taasi dhacday in mar labaad la beegsado Ilma Jimcale dhulkoodii waa wax aan la aqbali karin, Cadaalad darana yeeli mayno ninka wadaana isagay dambarsan doontaa If iyo aakhiraba. Mayor Soltelco waxaan leeyahay ceebay kugu tahay in mar labaad tan oo kale soo noqoto adigoo Maayirkii ah, waana talaabo sumcadaada wax u dhimaysa. Dhulkii Muj. Axmed Jimcaale waa la dhistay oo dayrbaa lagu xidhay, dacwadii iyadoo socota markii Gudidaadu ay goaan soo saartay waxaad la safatay kuwii xaqdarada ku socday. Adeer waxaan kusoo jeedinayaa arintaasi waa xaasaasi ka fiirso oo cadaalad ku dhamee; hadii kale  khasaare naf iyo maalba leh waa hubaal inuu iman doono hadii xaqa laga leexdo. Sidoo kale adiga shacabka kusoo doortay in wasiir Jaamac Biin kuu yeedhiyo amarna kugu siiyo inaad Gudidaada dhulka kala dirto ama xubno kasoo badasho si arinta loo fushado may ahayn inaad aqabasho oo gudidaadii kala dirto ama shaqada ka badasho, inaad ku faanto ayay ahayd Cadaalad hadii ay xukumeen laakiin imika waxa soo baxday inaad Cadaalad darada qayb ka tahay. Hadaan ahay Boqorkaagii waxaan cod dheer kuugu baaqayaa inaad arintaas dib uga noqoto, cadaalada kusoo laabatid xaqa u hiilisid,  hadii aanay sidaa ahayn oo culuys kaa wayni jiro Is casil sidaas ayaa kuu sharaf badan.
Wabilaahi Tawfiiq
Boqor Cabdilaahi Xuseen Axmed(Jaleelo)

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker