KORNAYL MUSE BIXI WADDANKII WUXUU KA DHIGAY QABYAALAD GABADH YAR OO XAMAR AADAYNA XIDHA BUUR MADAW OO SIDUU YAHAY DAWLAD UGA HADLAY GAROOWENA LOO QABAN WAAYEY

Kornayl muse bixi waxaa uu uga habranayo malaa kursiga uu xaaraanta ku qabsaday iyo beenta ayuu is leeyahay waxaa kuu keenay Been madaw, wax uu keenay ma jirto iyo wax lagugu caga jugleeyaa muusow hada adaa fadhiya kursiga ku shaqee ama iskaga deg dakana u cadaalad same hadii kale walaahi baanad caafimaad ku fadhiyi doonin S/land inteedii badnayd way ku eegaysaa awal iyo jeclo 1% kama aha iga walla S/land hadaad jeclo u habrato adigay naaqusnimo kuu tahay gabadh yar baad xidhatay been madaw oo xukunkaagii ka dul boodayna waad ka aamustay waar xishood.
 
Caska waaga maadhiin ciyiyo, ciiro naga eega
Ma callaqay madfacu  waa, kaan cabbayn jiraye
Inagu celiye cayntaarin iyo, colalkii dheereeye
Ciyoonban gawaadhida ku rari, ceeshka noo sida e
Casar libinta soo bandhigo, waa sida cadceedaase

Hayeeshee mid baan xeerin, waana ta I hortaale
Dalka inaan burburino, oo maatida ilkaha lagu qaato
Oo aad qasaaraha dhiciyo, qulubka daaduunto
Balse waa lay qasbaaya, inaan qaato qorigaase
Guurtida shirqoolkeeda iyo, geesiyada diidan
Garbaduub haloo xidho hablaha iyo xaqdarada taagan
 
Hadaba waxaan u soo jeedin lahaa dhamaan reer S/land in qabyaalad aanay ku soconayn waddanku nin walawba halkaad ka degayso iyo halkaad risiq u raadsanayso ama xamar ama meel kale iyo hadaad beer ka qodanayso marka aday ku jirtaa mar hadii caruurtii weliba bir ma gaydada ahayd ee hablaha waddanka u dhashay waa Ubixii la xidhayo Been madowna la taaban waayey bal cida loo xoog sheegnayo aan eegno, malaha waa laysku deyayaa waxaa markii siyaad barre qabsaday waddankii Somalia uu xidhay saddex nin oo qabiilooyin waaweyn ka dhashay hadana dil ku xukumay waa Majeerteen, Habar yonis iyo Abgaal waxaa uu markaa tijaabinayey bal in cidi ka kacdo waa la kici waayey iyadoo lays lahaa bal kuwan laaye in uu gadaal ka fiicnaado aan eegno ee waddanka cagta u dhiga,
hada muse malaa reeruu tijaabinayaa cag loo dhigi maayo muusow hadaa usha meelo ku sii qod qodo ee adigu dhidhibso.
 
Soomaaliland ninkii dagi ama dabin u qoolaaya,
Ama qabiilkooda ah uun bay dabo huleelaane,
Ma dameer la raray baa dushay deri ku yeeshaane?
Qaranimo haddii lagu dayaa uga dux roonayde,
Kuwa muse raacaw bal daya camalka jeegaanta
 Been madaw uma bakhooleen, dhinaca puntlande
Musena ma daawadeen, intuu dumarka seeteeyo
Doqoniimada qalooc, maxaa ceeb dul hoganaysa

Jeegaantoo duluwdaynu arki, dhowaan waana la hubaaye
Maxaa doqon u daawa ah hadduu damac dayaysiiyo?

 

Abdi ali obsiye

jmladam413@gmail.com

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker