Hooyo Soomaali Ah Oo Dib Ula Midowday Gabadheeda 39 Sano Kadib

Raxmo Ismaaciil Mire oo hooyo Soomaaliyeed ayaa dib ula midowday gabadh ay dhashay muddo 39 sano ah kadib.

Raxmo Ismaaciil ayaa gabadheeda kula kulantay magaalada Baydhabo kadib markii ay ka baafisay mid kamid ah baraha bulshada ee lagu magacaabo Illin Tir.

Raxmo Ismaaciil oo qiyaastii 66 sano jir ah ayay kala tageen seygeedii Ibraahin Cabdulla Isaaq oo ay u dhashay gabadh sanadkii 1982,xilligaas oo ay jirtey 16 sano Raxmo waxa ay ka tagtay magaalada Muqdisho bishii Sideedaad sanadkii 1982kii iyadoo tan iyo xilligaas ku nooleed deegaano ka mid ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa guursaday nin askari ahaa xilligaas waxayna degtey magaalada Burco halkaas oo ay ku nooleyd sanado badan dhashay carruur kale.

Hase yeeshee Fartuun Ibraahin oo ah gabadha ay dhashay Raxmo ayaa waxaa soo koriyay aabaheed oo ahaa injineer xagga dhismaha ah.Hase yeeshee markii dambe geeriyooday.

Raxmo ayaa timid magaalada Muqdisho toddobaadkan iyadoo ka baadigoobtay gabadheeda halka ay ku dambeysay oo ahayd degmada Howlwadaag, hase yeeshee markii ay gaadhay xaafadii ay ugaga tagtay gabadheeda 39 sano kahor ayaa waxaa ay kula kulantay isbedel weyn iyadoo xaafadii ay ku ogeyd gurya yaryar iyo carshaan haatan ay isu bedeleen saro dhaadheer iyo dabaqyo.

Nasiib wanaag markii laga baahiyay barta Ilintir oo ah bar dadka kala dhuma laga baafiyo muuqaal ay Raxmo Ismaaciil uga codsanayso dadka inay la soo xiririyaan gabadha ka maqan 39ka sano ayaa dadkii daawanayay muuqaalka waxaa ka mid ahaa noqatay Fartuun Ibraahin oo ah gabadha la raadinayay oo degen magaalada Baydhabo.

Fartuun ayaa la soo xidhiidhey hooyadeed oo muuqaalka soo dhigtey lambarka taleefanka laga helo waxayna Hooyo Raxmo Ismaaciil si dhaqso ah ugu duushay magaalada Baydhabo halkaa oo ay kula kulantay gabadheedii yareyd oo ah hooyo leh toban carruur ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker