GUDUDA JAALIYADDA SOMALILAND EE MARKAYKANKA, MINNESOTA, OO KA HADLAY QAABKA AY IDHACAYSO XUSKA 18KA MAY

Guddida Somaliland Community of Minnesata ayaa sheegay inay sanaddaka siweyn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May, taas oo ay marti ka noqon doonaan fanaanka weyn oo qaran Sir Maxamuud Cumer Yare, iyo dhamaan fanaaniinta reer Minneapolis.

Jaaliyadda ku dhaqan Minneapolis/St-Paul, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 27aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay inuu inoo yimaado fanaanka caanka ah SIR MOHAMUD OMER oo ka iman doonna London, UK. Waxaa kale oo inagala soo qayb gali doonna fanaaniin reer Minnesota oo sanad walba is barbar taaga xuskaa 18-ka May.

Sanadkan waxaan kaloo nasiib u yeelanay in uu xuskan farxadeed nala qaatdan doono wafti ka socota dowladda Somaliland, oo uu hogaaminayo chairman-ka Hay’dda Qorbo Jooga Somaliland, Md. Abdi Abdillahi Hersi (Dayax-Weerar). Sidoo kale waxaa iyagana ka soo qeyb galaya masuulo ka kala socda sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani, iyo UCID.

Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahay Saturday May 12, 2018 saacada 7-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed.

Alleh Mehad Leh

Ismail Sandheere

Guddida Somaliland Community of Minnesota.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker