Somaliland Oo La Diiwaangeliyey 16 Kiis Oo Xannuunka Covid-19

Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo xanuunka Coronavirus ah.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xuseen Muxumed oo ku sugan magaaladda Burco ayaa soo bandhigay kiisaskaasi caabuqa ah.

Mas’uulkan ayaa ka warbixiyey Xaalada Guud ee dalka shantii cisho ee u danbeeyay waxaanu xusay in la Shaybaadhay 405 iyadoo Cudurkan laga helay 16 Qof kuwaas oo isugu jira 10 rag ah iyo 6 haween ah isla markaana ku kala nool Goboladda Saaxil,Maroodi Jeex iyo Sool.

Xuseen Muxumed waxa uu intaas ku daray in aanay Jirin wax Kiis ah oo Dhimasho ah, Waxaa kale oo uu Mas’uulkani sheegay inay Xannuunkan ka bogsadeen 896.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxa uu bulshadda ugu baaqay inay Taxadir dheeraad ah Muujiyaan.

Map of Somaliland with a cell of the novel coronavirus (COVID-19, 2019-nCoV) in the center of a red viewfinder. White map isolated on a blue green background. (colors used: blue, green, red and black). Conceptual image: coronavirus detected, closing of borders, area under control, stop coronavirus, defeat the virus, quarantined area, spread of the disease, coronavirus outbreak on the territory, virus alert, danger zone, confined space. Vector Illustration (EPS10, well layered and grouped). Easy to edit, manipulate, resize or colorize.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker