Dawlada Ethiopia oo Wali ka Warwarsan Saldhigga ay Masar waydiisatay Somaliland

Addis Ababa (OWN) – Milletariga Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhashay Biyo-xidheenka Abaay ee Itoobiya ka dul dhistay Webiga Niil, kaasi oo Dawladda Masar diiddan tahay.

 

Milletariga Itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay Colaadda muddada dheer jirtay ee u dhaxaysa dalkooda Itoobiya iyo Masar, dedaallada ay xilligan Masar kaga soo horjeeddo Biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil iyo Wefti ay dhawaan Masar u soo dirtay Somaliland, kaasi oo shaki weyn ku abuuray Itoobiya isla-markaana Warar la xaqiijiyey sheegeen inay Somaliland waydiisteen Saldhig Ciidan.

 

 

Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula oo u warramay Warbaahinta Gudaha ee Itoobiya ayaa ugu horrayn la waydiiyey sida ay Masar dhaqdhaqaaqyada uga bilowday Mandaqadda Geeska Afrika, iyadoo raadinaysa Jid ay Cadaadis ku saari karto Itoobiya, si uu u joojiyo buuxinta Biyo-xidheenka Abaay oo ay aamisan tahay inuu yaraynayo qul-qulka Biyaha Webiga Niil oo 90% Dadka reer Masar ku nool yihiin.

 

 

Taliye ku-xigeenka ayaa ugu horrayn la waydiiyey su’aal u dhignayd sidan “Dawladda Masar, Arrimaha aynu isku hayno awgeed waxay u soo guurtay Mandaqadda Geeska Afrika, waxayna doonayaan inay Saldhig Ciidan waydiistaan Somaliland, taana Somaliland jawaab bay ka bixisay, Adigu sideed arrintaas u aragtaan ?

Taliye ku-xigeenka oo Su’aashaa ka jawaabayaana wuxuu yidhi “Arrintani arrin cusub maaha, 400 sano ee aynu ka soo gudubnay Masaaridu waa istaraatiijiyad ay ku dhaqmi jirtay, dagaalo ay si dadban noola gashay, taasna guul-darro ayay kala kulantay. Ta labaad Qorshaheeda 400 sano ka hor hadday ku fashilantay, 400 sano ka dib, wax badan baa isbeddelay (Adduunka), haddii aan iyaga ahay Istaraatiijiyaddaa gabowday waan beddeli lahaa, taasi oo ku salaysan dagaal, maxaa yeelay Waddamadii dhaqaale ahaan way isbeddeleen, Bulshada ayaa is beddeshay, siyaasaddii ayaa isbeddeshay, Tiknoojiyadda, sidaasi darteed Istaraatiijaddaa gabowday ee dagaalka ku salaysan inay beddesho ayay ahayd, Waayo? Istaraatiijiyaddaa gabowday u saamixi mayso inay yeelato Maamulka Biyaha Webiga Wiil.”

 

 

General Berhanu Jula wuxuu sheegay oo kale “Webiga Abaay, Mulki ahaan cidda iska leh waa Annaga (Itoobiya) inuu dal kale iska soo boodo oo uu Lahaanshiyihiisa sheegto dhicimayso, Lahaanshiyaha Itoobiya ee Abaay way Caddahay, Masaaridu si kasta oo ay dagaal isugu dayaan ka macaashi maayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey Wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, Waayo? Somaliland mowqifkeeda way caddaysay.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker