Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bilaabay Inuu Qandaraasyo Naasnuujin Ah Siiyo Beeshiisa

Madaxweyne Biixi ayaa u muuqada durba mid qaaday jidkii hoggaamiyihii uu kursiga ka dumaalay ee Axmed Siilaanyo mid ka daran, waxaanu durba madaxweyne uu bilaabay inuu qandaraasyo naasnuujin ah oo siiyo xubno ku abtirsada Beesha ama jufada uu kasoo jeedo, kuwaas oo hadda ay qaarkood qateen qanaraasyada naasnuujinta ah.

 

Madaxweyne Biixi , ayaa dhawaan mashruuc uu ku Naasnuujinayo siiyey koox isku xidhan oo warbaahin iyo ganacsato koox ku abtirsata Beeshiisa, kuwaas oo qaatay mashruuc loogu Magacdaray Waxqabadka boqol iyo labaatanka cisho ee xukuumaddu cusub ee Madaxweyne Biixi.

Dhanka kalena mashruucan naasnuujinta ah ee lagu Naasnuujiyey kooxda isku xidhan ee warbaahinta iyo gacanta ka kooban ee ku abtirsata beesha madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inay mashruucan ku qateen dhaqaale aan si dhab ah loo ogay cadadkiisa dhabta, balse waxa la sheegay inay lacago badan ku qateen mashruucaasi.

Geesta kalena kooxdan ay isku hayb ta-yihiin madaxweyne Biixi ayaa todobaadkii ina dhaafay dabayaaqadiisi soo bandhigay buug yar oo ka kooban 2 bog, kaasi oo ay ku sheegeen inuu koobsaday Waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qabatay mudadii a farta bilood ahayd ee ay xilka haysay.

 

Docda kalena waxay soo saareen kooxdan qaatey mashruuca naasnuujinta ah muuqaal kooban oo soconaya 43 daqiiqo, kaasi lagu sheegay inuu koobsaday Waxqabadka xukuumadda cusub ee a farta bilood tada haysay, iyadoo loo qaybinayey TV-yada afka Soomalida ku haddla, waxaana lagula heshiiyey inay baahiyaan, isla markaana waxa miiska loo dhigay qadar lacageed oo dhan $1600 oo dollar Tv-kastaba.

Gunaanadkii Madaxweyne Biixi ayaa u muuqada hadda mid isaga oo aan weli cadadka bixin durba bilaabay inuu qandaraasyo naasnuujin ah siiyo qoyskii, iyadoo mashruuca ugu horeeyey ee badka yimi uu yahay mashruucan loogu Magacdaray Waxqabadka 120 Cisho ee Dowlada madaxweyne Biixi, kaas oo uu siiyey madaxweyne Biixi xubno ku abtirsada beeshiisa oo magacyo ganacsato iyo kuwo warbaahin wata, kuwaas oo la sheegay inay lacago badan ku qateen mashruucaasi indho sarcaadka ah.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker