Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii : 2-aad

Shaqaalihii diyaaradii ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow, suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii, sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabku.

Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, kana soo hor baxo dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii markabka, waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu qabanaayaa waxa ay tahay.

Nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, in aynu halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday markabkaasi, waxa muhiim ah marka aynu dooneyno wax ka badelka xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood, af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet), inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana, miisaanka culeyskeedu uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.

Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito, Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,  oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito, psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito, balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha, teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah, Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.

Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga), Malaria.

Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, …………. La soco………

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker