Xayiraaddii Socdaalka Ee Trump Oo Qoysas Badan Saameysay

Intii uu Trump hayay xilka madaxtinimada ee Mareykanka waxaa hoos u dhacay qaxootiga laga diwaan galaiyo dalka, balse maxaa ku ku dhacay qoysaska xayirmay iyaga oo uu dhexda u maraya barnaamijka dib u dejinta.

.

Maxamed Chaghlil oo 35 jir ah oo ku sugan magaalada New Haven ayaa maalonkasta waca hoyadii oo waayel ah. Waxa ay weydiisaa in uu u dadaalo naftiisa iyo qoyskiisa, isagana waxa uu weydiyaa in ay qaadatay dawadeeda waxa uuna ka ballan qaadaa in ay mardhow isku meel ku noolaan doonaan.

Maxamed iyo qoyskiisa ayaa bishii Diseembar ee 2012 ka soo carayay dagaalka sokeeye ee Suuriya. Waxaa qaxooti ahaan loo geeyay Jordan waxa ayna codsadeen in mareykanka dib u dejin laga siiyo. Sanaddi 2016 waxaa geeriyooday maxamed aabihii. Wax yar un ka dib geerida aabihii, Maxamed waxaa loo ogolaaday in uu u socdaalo Mareykanka.

Go’aan adag ayuu ahaa, balse maxamed iyo hooyadii ayaa aaminsanaa in waqti dhow ay hal meel kuwada noolaan doonaaan. sidaa darteed Maxamed waa uu safray, waxa uuna Mareykanka tagay dhowr toddobaad ka hor inta aan la dhaarin madaxweyne Trump.

Hasseyeeshee Maxamed hooyadii hadda waa garoob ninkeedii dhintay, taasi oo micneheedu yahay in marlabaad codsi cusub loo sameeyo. Kadib waxaa dhacay mamnuuciddi Trump ee qaxootiga oo waxaa la joojiyay gabi ahaanba qaxootiga suuriya. Haatan sanad iyo ka badan ayay weli maxamed hooyadii sugeysaa in mar ay tagto Mareykanka oo ay wiilkeeda la noolaato.

Maamulka Trump ayaa joojiyay barnaamijkii qaxootiga si Mareykanka looga helo amni la isku haleyn karo. Balse iyadoo haatan la qaaday xannibaadihii socdaalka ayaa weli qoysas badan sugayaan in ay hal meel ku noolaadaan.

“Waxa ay qaadneysaa 2 sano ka badan marka ma u maleynayo in baarintaankan cusub uu wax saameyn ah ku yeelan doono aminga mareykanka. Waa waddo loogu tala galay in lagu daahiyo qaxootiga,” ayay tiri Mary Giovagnoli oo ah sarkaalka Qaramada Midobay u qaalbilsan qaxootiga mareykanka.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker