Madaxwaynaha Dalka Sudan Oo Sheegay In Doorasho Xor Ah Uu Qaban Doono.

Khartoum-(OWN)-Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ballan qaaday inuu xalinayo dhibaatada dhaqaale ee ka taagan dalkiisa kaddib markii Suudaan labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ay ruxeen banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha shidaalka iyo roodhiga oo sare u kacay.

Madaxweyne Al Bashiir oo khudbad ka jeedinyay telefishinka qaranka ayaa ka dhawaajiyay in Suudaan sannadka 2020-ka ay ka dhici doonto doorasho xor ah. Hadalka Al Bashir ayaa imaanaya xilli dad dibadbaxyo ka dhigayay agagaarka aqalka madaxtooyada Khartuum ay isku hor gudbeen laamaha ammaanka, dadkaasi waxay codsanayeen in madaxweynaha uu xilka ka dego.

Dibadbaxyada ka socday Suudaan waxaa ku dhintay dad badan. Ururada u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ku dhawaad 40 qof ay ku dhinteen tan iyo intii ay bilaabmeen dibadbaxyada rabshadaha wata.

Natiijada sawirka omar albashiirCUMAR XASAN ALBASHIIR MADAXWEYNAHA WADANKA SUUDAAN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker