TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka xisbiga Kulmiye, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee gudoomiyihii garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee degmada Maxamed Mooge, Marxuumad Khadra Shukri Cilmi  oo caawa oo ay taariikhdu tahay 15/04/2018 ku geeriyooday, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka Kulmiye, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker