Dhageyso:-Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyay Sharciga Maaraynta Maaliyadda Dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee  Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Xaruntooda,iyaga oo ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa 141 Mudane,waxaana dood dheer kadib ogolaatay meelmarintiisa 135 Mudane halka 5 mudane ay diideen in la ansixiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa Ku dhawaaqay Natiijada Codeyntii Maanta ee lagu ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda dalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa digniin u diray xubnaha ka maqan kulamada,isagoo xusay in xeer hoosaadka lala tiigsan doono xildhibaankii sabab la”aan u maqan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker