Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Fagaare Ka Sheegay In Xukuumadiisu Wax Ka Qaban Doonto Baahiyaadka Dhalinyarada

Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Waddanka Ethiopia  Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay door laxaad leh siin doonto dhalinyarada, isla markaana ay ka go’an tahay sidii ay horumarka bulshadda uga shaqayn lahaayeen.

Sidaasna waxa uu ka sheegay Khudbad uu ka jeedinayay Munaasibad ay ka soo qayb galeen in ka badan 25,000 oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshaddu isla markaana ka dhacasay hoolka loo yaqaano Addis Ababa Millennium Hall.Image may contain: one or more people and crowd

Shirkan ayaa waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka socota Dawladda Federaalka Itoobiya, Dawlad deegaanada, Haweenka, Dhalinyarada, hogaamiyeyaasha dhinaca diimaha, madaxda waxbarashada sare, aqoonyahanka. Wakiilada diblomaasiyiinta iyo bahda dhaqanka.

Sida ay ku soo warantay wakaalada wararka ENA Khudbadii uu halkaasi ka jeediyay Ra’isal Wasaare Abiy waxa uu inta badan kaga hadlayay isbedelada ay xukuumadiisu la damacsan tahay in ay ka samayso dhinaca dhalinyarada iyada oo ka shaqayn doonta sidii looga takhalusi lahaa shaqo la’aanta baahsan eek u habsatay dhalinyarada, taas oo ku khasbi  jirtay in ay dalkooda ka baxaan ama ay danbiyo kala duwan ku dhacaan.Image may contain: 27 people, crowdImage may contain: 20 people, people smiling, crowdImage may contain: 7 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 14 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, crowdImage may contain: 2 people, people standing

Waxa kale oo uu xusay in ay wixii iminka ka danbeeya dadyoowga reer Ethiopia ay u jihaysan doonaan dhinaca horumarka,

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker