Xaruunta Xuquuqal Insaanka oo Warbixin Ka Soo Saartay Dad Rayigooda Loo Xidhay

​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​ ​
Maanta oo bishu tahay 1/06/2022, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay warbixinteedii afarbiloodlaha ahayd ee laxidhiidhay arrimaha xuquuqal insaanka. Warbixintan oo ka mid ah warbixinaha ay Xaruntu soo saarto waxa ku xusan xadhigyo sharci daro ah oo dalka ka dhacay intii u dhaxaysay January ilaa May ee sanadkan 2022.​

Xaruntu waxay diiwaan galisay 53 xadhig oo isugu jira 30, weriye, 15 qof, oo loo xidhay inay ra’yigooda baraha bulshada ku cabireen iyo sideed qof oo kale oo iyana loo xidhay sabab ah caruurtoodu fal dembiyeed ay gaysteen.​

13/04/2022, waxa Somaliland lagu xidhay 17 weriye oo ka howl gala warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka,15 ka mid ah wariyayaashasi wa la sii daayay, xaga laba ka mid ah na xukun maxkamadeed oo 16 bilood ahi ku dhacay.​
Weriyaashaas xukunku ku dhacay oo kala ah Maxamed Cabdisheekh Ilig, gudoomiyaha MMTV, iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen oo HCTV ka tirsan.Dadka xadhigu ku dhacay in kamid ah waa lasiidaayay qaar kalena weli way xidhan yihiin.​

Dhanka kale waxa warbixinta ku xusan xadhiga Aare Saleebaan Cawleed Aare, oo 20/5/2022, booliska Somaliland Gebilay ku xidheen ilaa imikana u xidhan hab sharci daro ah oo dastuurka dalka baal marsan.​
Aare waa muwaadin Jabuutiyaan ah balse hadda Somaliland ku nool, Aare waxa loo haystaa oo uu ilaa hadda u xidhan yahay waxaad wax ka sheegtay ood dhaliishay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Aare laba jeer ayaa maxkammadda Gebilay la hor keenay wax dembina laguma soo oogin.​
Waxa kale oo Burco ilaa hadda ku xidhan Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo ​ Jeesto loo yaqaano kaas oo ​ 12/04/2022, booliska Somaliland xidheen. Maxamuud Jeesto waa muwaadin reer Somaliland ah oo Burco degan una dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, waana markii labaad ee loo xidho qoraal uu oo facebook soo dhigay oo uu ku dhaliilay dowladda Somaliland, mana jiro wax danbi ah oo lagusoo oogay.​

Warbixinta waxa kale oo ay sheegaysa sideed Haween ah oo 25/05/2022 loo xidhay sabab ah dembi caruurtoodu inay galeen lagu eedaynaayo arrintaas oo ah deelqaaf sharci oo weyn ah. ​ Dastuurka Somaliland qodobka 26 (2) waxa uu dhigayaa “Ma’suuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya”.​

Xadhigyadaasi waxay dhamaantood baal marsan yihiin dastuurka Somaliland sida ku xusan qodoba -qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn”​
Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale. ​

Xaruntu waxay walaac xoogan ka qabtaa dhamaan xadhigyadaas oo ah inta badan kuwo soo noqnoqda iyo ixtiraam la’aanta dastuurka dalka.​

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland ​

 In booliiska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo.​

 In sidoo kale shuruucda dalka dib u habayn balaadhan lagu sameeyo si Meesha looga saaro culays ka ay had iyo goor la kulmaan weriyayaasha iyo dadka rayigooda cabiraa ama dowlada dhaliila.​

 In la joojiyo xadhigyada sharci darada ah ee Dastuurka khilaafsan.​

 In la dhaqan galiyo xeerka saxaafada Somaliland ee xeer 2004.​

 In si dhakhso ah xoriyadooda loogu soo celiyo weriyayaasha iyo dadka kale ee xoriyatul qowlka u xidhan ku waas oo kale ah (1)Aare Suleebaan ​ Cowleed Aare, (2) Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim (Jeesto) (3) Maxamed Cabdi Sheeg Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed Xuseen.​



Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud​
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,​
Hargeysa Somaliland​
hrcsomaliland@gmail.com​
Twitter: @hrcsomaliland ​

————————————————————————–​


Press Release: ​ Human Rights Center’s statement on our quarterly report January-April 2022​

This quarterly report covers the general situation of human rights in Somaliland from January- May 2022. It is part of the Human Rights Center’s reports based on information and data gathered to document the general situation of human rights issues in Somaliland. ​
The report will cover and attempt to demonstrate the problems of human rights from updates on cases of arbitrary arrests and freedom of expression. ​ ​
This report emphasizes the lack of care for rule of law, proper procedural duties and on the verge of complete erasure for freedom of expression, due to authoritarian tendencies in the democratic processes of Somaliland. ​
Freedom of expression and free press cases in Somaliland are judged to be in the criminal capacity aspect, despite the constitution clearly stating that these are fundamental rights of a citizen in Somaliland. ​
As such, the Center covers these topics in the hopes for policy reform change and advocacy for human rights in Somaliland. ​

This report demonstrates the need for regulation in all departments related to arrests and the justice system in general. From pretrial detention, how police conduct themselves around accused individuals, and the need for regulation from the government, Ministry of Justice, and Ministry of Information to appropriately make judgement on cases related to freedom of expression. Mohammed Ilig and Abdijjabbar Mohammed Hussein have been sentenced to 16 months in prison for breaking news, although court proceedings have shown that they were spreading false and anti-national propaganda, which is the failing of the justice system in Somaliland to properly investigate. ​
The center is hopeful that recommendations made are taken by the Somaliland government, police force and those in the justice sector. ​

Yasmin Omar H. Mohamoud​
Chairperson of the Human Rights Center​
Hargeisa Somaliland​
hrcsomaliland@gmail.com​
Twitter: @hrcsomalil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker