Dawlada Ruushka Oo Beenisay Inay Baabiisay Raadkii Laga Heli Lahaa Goobo Loo Tuhunsan Yahay Inay Kimiko U Adeegsadeen

Ruushka ayaa beeniyey in uu baabiibyey caddaymaha laga heli lahaa goobta la tuhunsanyahay in lala dhacay hub kiimikaad oo ay ku weerareen ciidamada dawladda Suuriya, taas oo noqotay wixii dhaliyey in Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku tallaabo milatari qaadaan Sabtidii.

Waraysi uu siiyey barnaamijka ka baxa Telefishanka BBC-da ee la yidhaa Hardtalka, ayaa wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov ku yidhi “waan xaqiijinayaa in aan Ruushku caddaymihii goobta laga heli lahaa tirtirin”.

Waxa uu ka hadalay kulan degdeg ah oo ay yeelanayso hay’adda aduunka ee ka hortagga hubka kiimikada ah, iyadoo lagu soo waramyo in baadhayaashii ay u dirtay Suuriya aanay marin u helin magaalada Duuma.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya hay’adda aduunka ee ka hortagga hubka kiimikada ah, Peter Wilson, oo soo xiganayey agaasimaha guud ee hay’adaas ayaa sheegay in ay weli sugayaan in loo ogolaado in ay tagaan Duuma.

Wasiirka arimaha dibadda Ruushku waxa kale oo uu beeniyey in hub kiimiko ah lagu riday Duuma 7 Abriil.

“Ma doonayo in aan hadal deel qaafa ku idhaa madaxda dalalka kale, laakiin waxaad soo xigatay hogaamiyeyaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka, oo hadii si aan gabbasho lahayn loo hadlo dhammaantood caddaymaha ay sheegeen waxay ku salaynaayeen warar warbaahintu qortay iyo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka” ayuu yidhi Lavrov.

Maba ay dhicin waxan la sheegayaa ayuu yidhi, “waxa dhacay waxa weeye wax la abuurayo” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Lavrov waxa kale oo uu su’aal geliyey sababta Maraykanka iyo xulufadiisu ay weerarrada u qaadeen maalin ka hor markii ay baadhayaasha caalamiga ahi goobta tagi lahaayeen.

Mar uu ka hadlayey duqaynta, waxa uu ku celiyey hadalkii hore Ruushku u sheegay ee ahaa in saddex meeloodow laba gantaalihii lagu riday Sabtidii Suuriya aanay ku dhicin goobihii lala beegsanayey.

Lavrov waxa kale oo uu yidhi is afgaradka dhex yaal Ruushka iyo Maraykanka ee ah in “aan la isku dhicin” in uu sidii u shaqaynayo, oo xataa meelaha la duqeeyey aanay u dhawayn xarumaha Ruushka. Waxa kale oo uu sheegay in Ruushka iyo reer Galbeedka uu ka dhex aloosantay marxalad ka xun dagaalkii qaboobaa, sababtuna tahay xidhiidh la’aanta dhex taal labada dhinac.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker