Madaxweynaha Jabuuti oo Ka Hadlay Qorshaha Ciidamada Amisom U Joogto Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay qorshaha ciidamada AMISOM ay uga baxayaan Somalia ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Somalia, isagoo hadalka sheegay xilli uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Jabuuti.

 

Geelle ayaa hadalkiisa ku billaabay inay muhiim tahay in la dar-dar-geliyo sida ay ciidamada AMISOM uga bixi lahaayeen Somalia, isagoo intaas ku daray in xilligan ciidamada Somalia ay ku filan yihiin inay sugaan ammaanka guud ee dalkooda.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ciidankooda ay yihiin kuwa ugu yar ee ka tirsan AMISOM, isla markaana ay siiyaan ciidamada Somalia taageero iyo tababar joogto ah si dib loogu dhiso awooddii ciidamada guud ee Soomalaiya.

 

“Dowladaha AMISOM iyo Dowladda Turkigu dadaal weyn ayay geliyeen sidii ciidamada Soomaaliya loo nooleyn lahaa loona qalabeyn lahaa. Inkasto wax badan ay maqan yihiin haddana maanta way awoodaan inay maamulaan oo ay sugaan amniga guud ee dalkooda,” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yidhi. “Ma jiraan dowlado xilligaan la dagaalamaya Somalia oo wata diyaarado dagaal iyo taangiyo, sidaas awgeed haddii ciidamada millateriga iyo booliiska Somalia ay isku tagaan waaxan qabaan inay amniga sugi karaan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu tilmaamay in ciidamada Somalia ku sugan ay hawshooda weyn ahayd inay tababaraan oo ay qalabeeyaan ciidamada Somalia, isla markaana ay ku wareeyaan sidii ay amniga dalkooda u hanan lahaayeen, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan inay arkaan ciidamadooda oo ilaalnaya, maadaama ay muddo soo arkayeen ciidammo shisheeye oo amnigooda sugaya.

 

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in la dhimo ciidamada AMISOM, inkastoo dalalka ay Ciidanka Midowga Afrika ay diidan yihiin inay ciidammo fara badan ka bixiyaan Somalia iyagoo ku doonaya inaan la gaarin heerkii ciidamada Somalia lagu aamini lahaa inay amniga dalkooda hantaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker