” Xukuumaddii Hore Ee SIILAANYO ayaa sabab u ahayd in sicir bararku heerkan uu maanta marayo gaadho “

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan ayaa ugu horeyn  oo ka hadlay sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararku iskama yimaado, ee sababo ayaa keena, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddu hore sabab u ahayd in sicir bararku heerkan uu maanta marayo gaadho, si wax looga qabtana waxay ahayd in Xukuumaddani wada tashi la sameeyso dadka aqoonta u leh dhaqaalaha, balse may ahayn inay iska gaadho go’aan aanay ka firisan, siday hadda wax u socdaana runtii maba ah si lagu xalin karo sicir bararka inuu ka sii daro mooye, sida ugu haboon ee wax lagaga qaban karaana waa in Baanka Dhexe hawshiisa iyo waajibaadkiisa u madax banaanado”.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda ayaa yidhi “Miisaaniyada, waxay Xukuumaddu ka soo dheegatay Miisaaniyadii hore, oo waxa badan kuma kala duwana, kolay layaabna ma leh, oo Xukuumaddani waxay ku soo beegantay wakhti kala guura, imikana bishii afraad baa lagu jiraa, sidaas oo ay tahay kula yaabi mayno, madaama uu wakhtigu is gurayo”.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker