Safiirkii hore ee Turkiga u Fadhiyay Somalia oo Madaxdan Afrika ka dalbaday in aysan faro-gelin Somalia

Muqdisho (OWN) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan hadalkii ka dhanka ahaa Jubbaland ee ka soo yeedhay wakiilka Midowga Afrika, Amb. Francisco Madeira.

 

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa wuxuu uga hadlay arrintaasi, isaga oo ugu baaqay ururka Midowga Afrika in uusan faro-gelin siyaasadda gudaha ee dalka Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Midowga Afrika looga baahan yahay inuu dhex-dhexaad ka noqdo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

“Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan.” ayuuu qoraalkiisa ku yirid Danjire Kani Torun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker