Xiddigii Kubada Cagta ee Reer Brazil Ronaldinho Oo Addis Ababa Lagu Soo Dhaweeyay

Xiddigii Kubada Cagta ee Reer Brazil laguna magacaabo Ronaldo de Assis Moreira, hasayeeshee loo garan og yahay Ronaldinho ayaa markii ugu horeysay taariikhda soo gaadhay dalka Ethiopia Magaalo madaxdiisa Addis Ababa.

Ronaldinho oo qayb ka ahaa wafti UEAFA Champion League ka socda ayaa sida lagu baahiyay Shabakada wararka ee Prensa waxa si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee wadanka Ethiopia Workneh Gebeyehu.

Wasiirka arrimahad ee Ethiopia oo ka hadlayay soo dhaweynta ciyaaryahankaasi ayaa sheegay in Ciyaaruhu ay kor u qaadaan is dhex galka iyo arrimaha Diblomaasiyadda la xidhiidha.

“Ciyaaruhu waxa ay muhiim u yihiin Diblomaasiyadda” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada ee Ethiopia.

Waxa kale oo uu wasiirku intaasi ku daray oo uu yidhi “Brazil waxa lagu yaqaanaa oo ay hormuud iyo hoyba uu yihiin ciyaaraha kubada cagta, halka  Ethiopiana ay hormuud u tahay ciyaaraha fudud ee masaafada” ayuu yidhi wasiirku.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker